Kooxda Juventus ayaa u soo bandhigtay kooxda Manchester United fursad ay kula soo saxiixan karto xiddigii hore ee khadka dhexe ee Aston Villa Douglas Luiz suuqa January, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

Brazilian-ka, oo ay Arsenal isku dayday inay la wareegto xagaagii 2022, ayaa Juventus ugu biiray heshiis 42.3 milyan ginni ah oo uu kaga soo biiray Aston Villa bishii June.

Luiz ayaa kusoo bilowday kaliya labo kulan kooxda reer Talyaani xilli ciyaareedkan, dhibaato muruqa ah ayaa keentay inuu seego Juve sideeddii kulan ee ugu danbeysay.

Sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, agaasimaha ciyaaraha ee Juve, Cristiano Giuntoli, ayaa u safray England usbuucan marka ay kooxdiisa Juventus kula ciyaartay garoonka Villa Park ee kooxd Aston Villa tartanka UEFA Champions League fiidnimadii Arbacada,

Agaasimaha ciyaaraha Juventus ee Cristiano Giuntoli ayaa usoo bandhigay kooxaha Man United, iyo Man City, xiddigaha Douglas Luiz iyo 23-jirka khadka dhexe ee Nicolo Fagioli.

Warbixinta ayaa sheegeysa in agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ee Giuntoli uu la xiriiray United iyo Manchester City labadaba si uu ugala hadlo heshiisyada suurtagalka ah ee Luiz iyo Fagioli suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Fagioli ayaa sidoo kale ku dhibtooday inuu helo fusado uu ku ciyaaro waqt badan xilli ciyaareedkan, isaga oo ku soo bilowday kaliya lix ka mid ah 18kii kulan ee ugu dambeysay kooxxa Juventus ee tartamada oo dhan

Waxaa la fahamsan yahay in United ay siin doonto Ruben Amorim miisaaniyad suuqa kala iibsiga oo gaaraysa ugu yaraan 600M oo ginni si uu ugu soo iibsado dhowr ciyaartoy marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version