Kooxda Napoli ayaa caawa 20:00-habeenimo xiliga geeska Africa ku marti qaadaysa AS Roma gurigooda Stadio Diego Armando Maradona kulan ka tirsan kulamada 13-aad ee Serie A.

Kooxda Napoli ayaa haatan leh dhibca gaaraaya 26-dhibcood haddii ay ka badiyaan AS Roma waxay hoggamin doonaan horyaalka iyaga oo heli doono 29-dhibcood, haldhibic ayay hoggaanka ku qaban doonaan haatan Atalanta iyo Inter ayaa leh min 28- dhibcood.

Labada kooxood ayaa xilli ciyaareedkan soo maray nasiibyo iska soo horjeeda waxayna doonayaan inay guulaystaan ​​kulankaan.

Kooxda AS Roma ayaa ku jirta kaalinta 12-aad ee kala saraynta horyaalka Serie A-da iyada oo aan xilli ciyaareedkan ku jirin qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa.  Giallorossi waxa ay guuldarro 3-2 ah kala kulantay Bologna ciyaartii hore waxayna u baahan doontaa inay soo kabsato usbuucan.

Dhanka kale Napoli ayaa hogaanka horyaalka ku haysa waxayna xili ciyaareedkan ku jirtay qaab ciyaareed aad u fiican.  Kooxda Neapolitan ayaa bar-baro 1-1 ah la gashay Inter Milan ka hor fasaxa xulalka waxana ay u baahan tahay in ay  qaadato dhibcaha kulankaan si ay hoggaanka usii dheereestaan.

Xaqiiqoyinka, Kulanka, Napoli vs AS Roma:

●Kooxda Napoli ayaan laga badinin 10-kamid ah11kii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).

●Kooxda Napoli ayaan guuldaro kala kulmin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay gurigeeda kula ciyaartay Roma tartamada oo dhan.

●Kooxda Roma ayaa dhawaan rikoor fiican ka heysata Napoli, waxaana ay badisay 16 ka mid ah 40-kii kulan ee ugu danbeysay ee ay wada ciyaareen labada kooxood, halka Napoli ay badisay 14 kulan.

●Roma ayaa wali guuldarro la’aan ah labadii kulan ee ay Napoli la ciyaartay horyaalka Seria A xilli ciyaareedkii hore, waxaana laga yaabaa inay xaqiijiso guuldarro la’aan seddex kulan oo horyaalka ah oo ay la ciyaarto Neapolitans markii ugu horeysay tan iyo 2016.

●Napoli ayaan wax guuldaro ah la kulmin lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda AS Roma kulan ka tirsan horyaalka Seria A, guuldaradii hore ee sidan oo kale ah ayaa ahayd 2018 oo ay ku garaacday 4-2.

●AS Roma ayaa badisay kaliya seddex ka mid ah 12-kii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, waxaana ilaa iyo haatan ay la kulmeen shan guuldaro oo tartankaan.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version