Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka Egypt ee Mohamed Salah ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda ku ciyaarta qalcadda Anfield ee Reds, Inter Milan ayaana rajeyneysa inay hesho saxiixiisa.

Salah ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga 2025, kooxda heysata horyaalka Serie A ee Inter Milan ayaa rajeyneysa inay heshiis la gaarto.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay majaladda Inter Live ee Talyaaniga, Nerazzurri ayaa diyaar u ah inay ku maalgeliso lacagaha ay ku iibinayaan seddex ciyaartoy, weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah.

Xiddiga reer Masar ayaa haatan Liverpool ka qaata lacag dhan 11.7 milyan euro xilli ciyaareedkii, mushaharkiisa ayaa caqabad weyn ku noqon doonta kooxda Inter Milan.

Kooxda hanatay horyaalka Serie A ee Inter Milan ayaa haatan dooneysa inay lacag kaash ah ku hesho Marko Arnautovic, Mehdi Taremi, iyo Joaquin Correa si ay fursad ugu helaan xiddiga Liverpool

Inter Milan ayaa awood u yeelan doonta in ay heshiis hordhac ah la gaarto xiddiga heerka caalami ee dalka Masar marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January.

Salah ayaa u ahaa ciyaaryahan muhiim ah kooxdiisa Reds, waxaana uu ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​dhowr koob oo waaweyn.

Salah ayaa ku jira badhig cajiib ah marka loo fiiriyo  xilli ciyaareedkan sidoo kale, Liverpool ayaana haatan hoggaanka u haysa miiska kala sarreynta Premier League iyo UEFA Champions League.

Mohamed Salah ayaa door muhiim ah ka ciyaaray guulaha Liverpool ilaa haatan xilli ciyaareedkan, waxaana uu rajeynayaa inuu ku hogaamiyo koobab waaweyn kahor inta uusan ka tagin kooxda.

Waxa ay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko haddii Inter Milan ay ku qancin karto weraryahanka rugcadaaga ah inuu ku soo biiro kooxda Inter Milan.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version