Kooxda heysata horyaalka Serie A ee Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay ka horeyso seddex kooxood oo kale oo Talyaani ah tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Liverpool ee Federico Chiesa.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday majaaladaha Quotidiano Sportiva & Iotifo Inter, Federico Chiesa waa bartilmaameedka ugu horreeya Inter Milan.

Kooxaha AC Milan, AS Roma, iyo Napoli ayaa sidoo kale isha ku haya saxiixa weeraryahanka Liverpool suuqa Janaayo.

Si kasta ha ahaatee, kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa tallaabo dheer ka horraysa kooxaha kale heerka sare ee talyaaniga tartanka loogu jiro si ay u xaqiijiyaan adeega xiddiga 51-jeer u saftay xukiisa Talyaanig ee Federico Chiesa.

Inter Milan ayaa ah kooxda ugu cadcad saxiixa xidisga reer Italy iyo kooxda Liverpool ee Federico Chiesa, inkasto oo uusaan taam u eheenin kooxdiisa Reds xilli ciyaareedkan.

Garabkii hore ee Juventus Chiesa ayaa wax badan kusoo kordhin doono Inter Milan haddii uu ku biiro wuxuuna noqon karaa mid wax badan ka badala Inter. Dhanka AC Milan, ayaa xiiseenaysa weeraryahanka Liverpool ee Federico Chiesa waxayna doonayaan inay keenaan qalacadda San Siro.

Geesta kale, xiisaha AS Roma ee Federico Chiesa waa mid la fahmi karo, iyadoo la tixgelinayo tayadiisa inuu ka dhigo mid ku habboon Romelu Lukaku.

Dhanka Napoli, Chiesa waxa ay ku bedeli kartaa Matteo Politano iyo Khvicha Kvaratskhelia.

Si kasta ha ahaatee, AC Milan, AS Roma, iyo Napoli ayaa ka dambeeya Inter Milan dagaalka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Italy iyo kooxda Reds ee Federico Chiesa.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version