Kooxda Inter Milan ayaa ku marti qaadaysa garoonkayda caanka ah ee Giuseppe Meazza, Mialno, Napoli kulan ka tirsan horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A gaar ahaan kulamada 12-aad.

Napoli ayaa hal dhibic ku hoggaaminaysa horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A waxayna leedahay 25-dhibcood halka Inter ay leedahay 24-dhibcood waana mid kamid ah kulamada ugu xiisaha badan ee horyaalka Serie A.

Lautaro Martinez waa gooldhaliyaha ugu sarreeya Inter Milan isagoo dhaliyay 23 gool. Victor Osimhen ayaa 11 gool u dhaliyay kooxda SSC Napoli.

Kooxaha Inter iyo Napoli ayaa kulmay 40-jeer Inter ayaa badisay 15-kulan halka ay guul gaartay Napoli waxaana barbaro galeen 11-kulan.

Xaqiiqoyinka Kulanka: Inter vs Napoli.

●Inter waxa ay ka dhalineesay ugu yaraaan 2.5 gool 9-kamid ah 10 kii kulan ee ugu dambeeyay ay gurigeeda kula ciyaartay Napoli tartammada oo dhan.

●Inter ayaa waxa ay badisay 5-kamid ah 6 dii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).

●Inter ayaan laga badinin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay gurigeeda kula ciyaartay Napoli tartamada oo dhan.

●Napoli ayaa badisay kaliya hal kulan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Inter, iyadoo guushaas ay timid May 2023 (3-1 oo ay ku garaacday gegada Diego Armando Maradona). In ka badan 10-kan kulan, Napoli saddex jeer ayay barbaro gashay lix jeerna waa laga badiyay.

●Inter Milan ayaa guulo ka badan garoonkeeda kula kulantay Napoli marka loo eego kooxaha kale ee Serie A,waxana ay badisay 51 guul 78 kulan oo ay ku ciyaartay (18 bar-baro iyo 9 guul daro). Inter ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kula ciyaartay Napoli.

●Tan iyo xilli ciyaareedkii 2018/19, Napoli ayaa laga badiyay todobo ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay Serie A ee ay wajahday Inter (W1 D3), taasoo ka dhigaysa Inter Milan kooxda ay Partenopei  la kulantay guuldarooyinka ugu badan ee horyaalka mudadan.

●Inter Milan ayaa gool dhalinaysay mid kasta oo ka mid ah 28-kii kulan ee ugu dambeeyay Serie A ee ay ku ciyaartay garoonkeeda.

●Napoli sagaalkii kulan ee isku xigta ee horyaalka aan laga badinin (W8 D1) ayaa ku dhamaaday guuldarro 3-0 ah oo ka soo gaartay Atalanta. Waxa ay hadda halis ugu jiraan in laga badiyo kulamo xiriir ah oo Serie A ah markii ugu horreysay tan iyo Disembar 2023 intii uu maamulayay Walter Mazzarri.

 

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version