Kooxda Juventus ayaa marti galin doonta kooxda Torino kulanka Turin Derby, iyadoo Thiago Motta uu doonayo inuu ku sii dhawaado booska ugu sareeya.

Kulankaan ayaa noqon doona kulankii 159-aad ee ay ciyaaraan kooxaha Juventus iyo Torino ee Seria A.

Bianconeri ayaa badisay 77 kulan halka Torino ay badisay 35 kulan iyada oo 46 kulan bar-baro ah gashay.

Juventus ayaan wax guuldaro ah la kulmin 35-ka mid ah 36-dii kulan ee Derby-ga ahaa ee ay la ciyaartay kooxda Torino ee Serie A (26-guul, 9-barbaro), iyada oo bar-baro la gashay Granata kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka (0-0, 13 April).

Labadan kooxood ayaan barbaro galin laba kulan oo xidhiidh ah tartanka tan iyo intii u dhaxaysay October 2001 iyo February 2002.

Kooxda Juventus ayaa caawa martigelin doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee Torino.

Xaqiiqoyinka Kulanka:

●Kooxda Juventus ayaa waxa ay badisay 12-kamid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kula ciyaartay Torino tartamada oo dhan.

●Kooxda Juventus ayaan laga badinin 19-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Serie A.

●Juventus ayaa shabaqeeda ilaashatay 12-kamid ah19 kulan oo ay ciyaartay horyaalka Seria A.

●Kooxda Torino ayaa waxaa laga badiyay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay Serie A.

●Bianconeri ayaa shabaqeeda ilaashatay 62 kulan oo ay wajahday Granata Serie A (158 kulan): kaliya Inter waxa ay ilaashatay in ka badan (64).

●Juve ayaa ayaa loo diiwaan galiyay 13 guul iyo 5 barbaro 18-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda Torino ee Serie A, oo ay ku jiraan 12-kii ugu dambeeyay ee lagu ciyaaray Allianz Stadium (9-guul, 3-barbaro).

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version