Naadiyada Arsenal iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseenayaan saxiixa weeraryahanka kooxda AC Milan iyo xulka Portugal ee Rafael Leao.

Sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Fichajes, Arsenal iyo Manchester United ayaa isha ku haya xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal Rafael Leao, kaas oo lagu qiimeeyo adduun dhan 120 milyan oo Yuuro.

AC Milan ayaa durbaba raadineysa bedelka Rafael Leao, iyadoo Federico Chiesa uu dhowaanahan bartilmaameed u ahaa si ay ugu beddelaan.

Leao ayaa kamid ah weeraryahanada ugu fiican horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, iyo sidoo kale qaaradda Yurub.

Waxa uu noqon karaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxaha Arsenal iyo Manchester United oo ku daggaalamaaya saxiixiisa haddii uu ku biiro midkood, xiddiga reer Portugal ee Leao.

Arsenal ayaa hubaal ah inay u adeegsan karto si ay ugu xoojiso booskooda weerarka.  Waxay u baahan yihiin ciyaaryahan qoto dheer oo dhanka weerarka ah, weeraryahanka AC Milan ayaana weerarkooda ku haboon oo  kusoo kordhin doona goolal iyo caawin

Si kasta ha ahaatee, qiimaha lagu iibsanayo ayaa ah mid aad u sarreeya, waxaana ay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko haddii Arsenal ay diyaar u tahay inay bixiso.

Gunners ayaa ku qasbanaan doonta in ay bixiso lacag rikoodh ah si heshiiska loo dhameeyo.  Waxay u baahan yihiin inay xoojiyaan qaybaha kale ee kooxdooda sidoo kale inay 120 milyan euro ku qarashgareeyaan xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal.

Geesta kale Manchester United ayaa dooneysa inay sidoo kale hesho saxiixa Rafael Leao, waxaayna rabaan inay keenaan Old Trafford.

U dhaqaaqista kooxaha Arsenal ama Manchester United ayaa aad u xiiso gelin doonta weeraryahanka reer Portugal.  Waxay u noqon doontaa fursad aad u fiican inuu kusoo bandhigo tayadiisa horyaal kale.  Waxa uu eegi doonaa inuu naftiisa ku tijaabiyo horyaal heer sare xirfadiisa ciyaareed, waana wakhtiga ku haboon inuu tijaabiyo tartan cusub.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version