Kooxda heysata horyaalka Serie A ee Inter Milan ayaa fiidnimada axada ku soo dhaweyn doonta kooxda aan laga badinin Juventus garoonka Giuseppe Meazza.
Kulanka ugu xiisaha badan ee todobaadka ayaa caawa labba sac habeenino xiliga geeska africa ku dhexmari doono gigada Giuseppe Meazza kooxaha Inter iyo Juventus waana kulmada 9-aad ee horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A.
Labadan koox ayaa ku kala jira kaalinta 2-aad iyo kaalinta 3-aad waxayna leeyihiin 17-dhicood oo Inter iyo Juventus oo leh 16-dhibcood waxayna caawa ku hardamayaan inay guul kala gaaraan midkood.
Kooxda Inter Milan ayaa guul dirqi ah 1-0 ah ka gaartay AS Roma ciyaartii ugu dambeysay ee Serie A-da halka kooxda
Juventus ay guul ka gaartay Lazio kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A.
Xaqiiqoyinka Kulanka.
●Juventus ayaan laga badinin lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Inter, Milan.
●Inter ayaanan laga badin 36-kamid ah 38-dii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).
●Kooxda Juventus ayaa shabaqeeda ilaashatay 8-kamid ah 9kii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).
●Juventus ayaanan laga adkaanin16-kii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).
●Inter ayaa badisay labo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay Juventus kula ciyaartay San Siro (D1 L1), taasoo u dhiganta 11-kii natiijadood ee hore ee ay garoonkooda kula ciyaareen Bianconeri (D4 L5).
●Juventus waa kooxda kaliya ee aan laga badinin (W4 D4) kadib sideed kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan, taas oo gaartay markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2019-20.
●Dhanka kale, Inter ayaa badisay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka (D1 L1) ka dib markii ay ku guuldareysteen inay badiyaan afar ka mid ah shantii kulan ee hore (3 bar-baro iyo 1 guuldarro).
●Inter ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 19-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda horyaalka Seria A (W14 D4), guuldarada kaligeed waxa ay ka soo gaartay Milan bishii September.
●Si kastaba ha ahaatee, Juventus ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda (D1) ka dib markii ay ku guuldareysatay inay badiso mid kasta oo ka mid ah sideeddii kulan ee ka horeysay (D5 L3).
●Bianconeri ayaa ah kooxda kaliya ee shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub xilli ciyaareedkan ilaa hadda aan wax gool ah laga dhalin.
Shaxaha Macquulka Ah.
Inter Milan possible starting lineup:
Sommer; Pavard, De Vrij, Bastoni; Darmian, Frattesi, Barella, Mkhitaryan, Dimarco; Thuram, iyo Martinez.
Juventus possible starting lineup:
Di Gregorio; Cambiaso, Kalulu, Gatti, Cabal; McKennie, Locatelli, Fagioli; Conceicao, iyo Vlahovic.