Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayaan inay ku tartamaan garabka kooxda Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia sanadka 2025, sida laga soo xigtay TBR Football.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Georgia ayaa noqday mid ka mid ah xiddiagah ugu hibada badan ee loogu doonista badan yahay kubada cagta.
Inkastoo uu wadahadalo heshiis kordhin ah kula jiray Napoli ku dhawaad hal sano, wali wax heshiis ah lama gaarin.
Waxaana qandaraaskiisa haatan uu ku eg yahay 2027, Kvaratskhelia ayaa raadinaya heshiis cusub maadaama uu weli yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka yar koxda Napoli, taas oo ka dhigeysa inuu bartilmaameed u yahay kooxaha ugu sarreeya Premier League.