Halyeyga kooxda Roma iyo xulka Italy ee Francesco Totti ayaa ka fikiraaya inuu si lama filaan ah ugu soo laabto kubada cagta isaga oo 48 jir ah.

Totti ayaa waxaa loo tixgeliyaa ciyaaryahankii Roma ee abid ugu fiicnaa, taariikhda soo mara kooxda iyo sidoo kale ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee ebid soo mara xulka Italy.

Francesco Totti ayaa wuxuu ka fariistay kubbadda cagta isagoo 40 jir ah, sanadkii 2017 kadib waaya qurux badan oo cajiib ah oo kusoo qaaday kubadda cagta muddo 25 sano.

Inkastoo uu 48 jirsaday bishii hore, Totti ayaa sheegay inuu dalabyo ka helay kooxaha Serie A si uu ugu soo laabto ciyaaraha.

Totti muxuu yidhi?

“Weligaa ha odhan weligaa nolosha. Ciyaartoyda qaar ayaa ku soo laabtay ciyaarista sannado ka dib,” Totti ayaa yidhi.

“Waa inaan si fiican tababar u qaataa oo aan isugu diyaariyo si aan uga ciyaaro horyaalka Seria A. Qaar ka mid ah naadiyada Seria A ayaa dhawaan i soo wacay iina sheegay inay I donaayaan inaan u ciyaaro”.
“Waxay dhacday bishii hore, waxayna isiiyeen fursad aan uga fikiro. Waxaan dareemay xoogaha inaysan caadi aheen.Waxaan is weydiiyey: ‘Maxay weli ii raadiyaan sannado badan kadib?’ Waxaan isku diyaarinayaa laba bilood gudahood.”

Totti ayaa waxa uu u saftay kooxdiisa Roma isaga oo 16 jir ah sanadkii 1992-kii, waxaana uu u saftay kooxda 786 kulan.

Totti ayaa wuxuu u dhaliyay kooxda Roma 307-gool, waxaana uu kula guuleestay Roma horyaalka talyaaniga ee Scudetto sanadkii 2001-dii markaas oo uu macalin u ahaa Fabio Capello.

Totti ayaa sidoo kale ku guuleystay labo koob oo Coppa Italia ah iyo labo Supercup oo Talyaani ah intii uu ku jiray 25-sano oo uu u ciyaarayay kooxda Roma.

Francesco Totti ayaa dhaliyay 250 gool oo Serie A ah, Totti ayaa ah gooldhaliyaha labaad ee ugu sareeya taariikhda horyaalka Serie A ee dalka talyaaniga.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version