Kulanka ugu xiisaha iyo xamaasadda badan horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A ayaa todobadkan waxa uu ku dex mari doono kooxaha Inter vs Roma qalcadda Stadio Olympico, oo ay ku ciyaarto Roma.
Labada koox ayaa ku kala jira kaalmaha 9-aad iyo 3-aad Roma ayaa uruursatay 10-dhibcood kadib 7-kulan ay ciyaartay, halka Inter ay ku jirto kaalimta 3-aad 7-kulan ay ciyaartay 14-dhibcood ayay qaadatay.
Kooxda Inter Milan ayaa marti u ah Roma kulan xiiso badan oo ka dhacaya gigada Stadio Olympico, kana tirsan kulamasa 8-aad ee horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A
Inter ayaa soo galaysa iyaga oo 3-2 kaga adkaaday kooxda Torino kulan ka dhacay Stadio Giuseppe Meazza, halka ee Roma barbaro 1-1 ah la gashay kooxda Monza.
Weeraryahanka reer France ayaa haatan dhaliyay todobo gool todobadii kulan ee ugu horeeyay horyaalka xilli ciyaareedkan isaga oo ku biiray kaliya laba ciyaartoy oo kale kuwaas oo saneeyay rikodhkan Inter qarnigan: Christian Vieri oo sameeyay laba jeer 20019-gool iyo 2002 8-gool), iyo Lautaro Martinez 9-gool ah sannadkii hore.
Inter safarkaydii ugu dambeeyay ee Stadio Olimpico waxa ay ku badiyeen 4-2 goolal ay dhaliyeen Acerbi, Thuram, Angelino, Bastoni,.
Kooxaha Roma iyo Inter Milan ayaa kulmay 61-jeer, Roma ayaa adkaatay 17-kulan,halka Inter ay adkaatay 25-kulan, barbaro ayay galeen 19-kulan.
Xaqiiqoyinka Kulanka
- Inter lagama badin 36-kamid ah 38-dii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).
- Kooxda Inter ayaa waxa ay badisay 7-kamid ah 8-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Roma tartamada oo dhan.
- Inter ayaa waxa ay dhalisay ugu yaraan 2 gool 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay banaanka ku wajahday Roma tartamada oo dhan.
- Natiijooyinka ugu badan ee kulamada AS Roma iyo Inter Milano marka ay AS Roma gurigeeda ku ciyaareyso waa 1-1. Lix kulan ayaa ku dhamaaday natiijadan.
- Inter Milan wax gool ah ma dhalin 0 ka mid ah3-dii kulan ee ay martida ahaayeen ee Serie A xilli ciyaareedkan.
Shaxaha macquulka ah ee labada koox
AS Roma wax guul ah kama aysan gaarin Inter Milan 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.
Roma possible starting lineup:
Svilar; Mancini, Ndicka, Hermoso; Celik, Cristante, Pisilli, Angelino; Pellegrini, Dybala; Dovbyk
Inter Milan possible starting lineup:
Sommer; Pavard, Acerbi, Bastoni; Darmian, Barella, Calhanoglu, Mkhitaryan, Dimarco; Thuram, Martinez