Kooxaha ugu waa wayn horyaalka dalka Sacuudi Carabiya ayaa la xaqiijiyay inay aad u xiiseenayaan inay gacanta kusoo dhigaaan xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior, sida laga soo xigtay Diario SPORT.
Waddanka bariga dhexe ayaa waxay doonayaan iany sugaan adeega xiddiga reer Brazil xxagaagan iyaga oo xitaa ay u soo bandhigeen lacag aad u badan.
Real Madrid ayaa sidoo kale loo soo bandhigay lacag aad u badan oo waali ah oo aay ku doonaayeen xiddiga reer Brazil inay ku keenaan horyaalka Saudi Pro League balse Madrid ayaa gabi ahaanba iska diidayz dalabka waalida ah.
Vinicius ayaa sidoo kale diiday horumarka Sucuudiga, laakiin qaar badan oo Los Blancos ayaa sida muuqata aaminsan in dalabkoodu madaxiisa u rogay.
Taasi ma aysan saameynin qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan, inkastoo 24-sano jirkaan uu dhaliyay 12-gool wuxuuna caawiyay sideed kale 18-kulan oo uu tartammada oo dhan u saftay.
Inkasta oo uu Kylian Mbappe yimid xagaagii, Vinicius ayaa wali ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Real Madrid. Dalka Bariga Dhexe ayaa si xiiso leh ula socda waxqabadkiisa iyaga oo aan weli ka quusanin helitaanka xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior
Way sii wadi doonaan raacdada ay ugu jiraan xiddiga reer Brazil ilaa uu si cad u sheego rabitaankiisa ah inuu sii joogo Santiago Bernabeu.
Qandaraaska haatan Vinicius Junior ee kooxda heysata horyaalka LaLiga ayaa soconaya ilaa 2027.