Weeraryahankii hore kooxda Manchester United ee Louis Saha ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu ku soo laaban karo Old Trafford kadib imaanshiyaha tababaraha cuusb ee Ruben Amorim.

Amorim ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Man United 11kii Noofambar, wuxuuna hadda isku diyaarinayaa Red Devils kulanka Premier League ee ay axada ku wajahayaan Ipswich Town ee Portman Road.

39 jirkan ayaa la wareegay kooxda haatan ku jirta kaalinta 13-aad ee kala sarraynta Premier League, iyadoo goolashu ay dhibaato weyn ku yihiin xilli ciyaareedkan, iyaga oo kaliya 12 gool dhaliyay 11kii kulan ee ciyaareen.

Saha ayaa ka hadlay rajada ah in Ronaldo uu matalo Man United markii seddexaad, iyadoo xiriirka dhow ee Amorim uu ka dhigay mid macquul ah, sida uu qabo saaxiibkiisii ​​hore ee Red Devils.

Saha ayaa saaxiibkii hore ee Ronaldo kula taliyay inuu ku laabto Man United

“Waxay ila tahay in Cristiano Ronaldo uu jeclaan lahaa in uu kooxda ku soo laabto isaga oo loo haayo ixtiraam, waxa uu kooxda kaga soo tagay xaalad xun, marka madaxda kooxda ayaa laga yaabaa in ayna doonayn in ay dhacdo, laakiin ciyaartoyda iyo taageerayaashu way fahmeen waxa uu yahay”.

“Cristiano waxa uu xiriir la leeyahay Ruben Amorim, laakiin ma aaminsani inuu la soo saxiixan doono kaliya sababtoo ah waa saaxiibkii”.

“Hadii ay jirto fursad uu ku soo laaban karo, waan hubaa in Cristiano uu jeclaan lahaa inuu soo laabto oo uu kooxda caawiyo sababtoo ah wuu jeclaan doonaa tartanka, hadii uu fursad u helo wuu imaan doonaa”.

Ronaldo ayaa markii hore Man United u soo ciyaaray intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2009 isaga oo u dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u saftay Red Devils isaga oo kula guulaystay saddex koob oo Premier League ah, hal FA Cup ah, laba koob oo League Cup ah iyo Champions League intii uu joogay Old Trafford.

Weeraryahanka ayaa markaas dib ugu soo laabtay Red Devils isagoo kaga soo biiray Juventus 2021, isagoo dhaliyay 27 gool 54 kulan oo uu saftay, laakiin waxa uu si xor ah uga tagay qeybihii dambe ee 2022, isagoo wareysi muran dhaliyay la yeeshay Piers Morgan, halkaas oo uu si weyn u dhaleeceeyay kooxda taas oo keentay in qandaraaskiisa la joojiyo.

Ronaldo waxa uu si xor ah ugu biiray Al-Nassr horaantii 2023, waxaana uu matalay kooxda Saudi Pro League 79 jeer, isagoo dhaliyay 68 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 18 caawin.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version