Kooxda Liverpool ayaa ku qasbanaan doonta in ay lacag badan ku bixiso hadii ay doonayaan saxiixa Omar Marmoush oo ay wakhti dheer diirada u saaran xidiga u ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt.

Marmoush, oo qandaraas kula jira kooxda Bundesliga ka dhisan ilaa 2027, ayaa laga yaabaa inay Reds ku dalbato kacdo 50 ilaa 60 milyan euro (£ 41.7m ilaa £ 49.9m).

Weeraryahanka ayaa dhaliyay sagaal gool todobo kulan oo uu saftay xilli ciyaareedka 2024/25 ee Bundesliga haatana
Marmoush aya wuxuu u noqon karaa bedelka cajiibka ah ee xiddiga ay isku wadanka yihiin ee Salah oo u ciyaara Liverpool, inkastoo uu ka ciyaaro garabka bidix.

25-sano jirkaan ayaa loo diiwaan geliyay 10 gool iyo 7 caawin 11 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan kooxda Bundesliga ka dhisan waana gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga.

Tababaraha reer Holland ee Liverpool Arne Slot ayaa waxaa uu ku jiraa ololihii ugu fiicnaa ee ay Liverpool ku bilaabatay taariikhdeeda isaga oo badiyay 11 ka mid ah 12-kii kulan ee ugu horeeyay.

Qandaraaska uu kula jiro Waldstadion waxa uu soconayaa ilaa 2027, taas oo la macno ah in xagaaga soo socda uu yahay wakhtiga ku haboon Eintracht Frankfurt si ay u xaqiijiyaan inay lacago fiican ku fasaxaan maadama uu yahay hantidooda qaaliga ah.

Share.

Comments are closed.

Exit mobile version