Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa u sheegay Real Madrid in uu doonayo in uu kaga biiro kooxaha Barcelona iyo Manchester United.

Sida laga soo xigtay saxafiga u qaabilsan suuqa kala iibsiga Real Madrid ee Ramon Alvarez, kaas oo ku waramaya in Davies uu qaatay go’aankiisa ah in kooxda soo socota ee uu doonayo ay tahay horyaalnimada Yurub.

Heshiiska weli ma dhicin, iyadoo Davies uusan awoodin inuu heshiis horudhac ah u saxiixo Madrid ilaa Janaayo.

Madrid ayaa markaas ku qasbanaan doonta in ay buuxiso dalabaadka mushaharka badan ee Davies oo ay bixiso lacag weyn oo ay kula saxiixato si ay heshiiska u dhamaystirto.

Hasa ahaatee Madrid ayaa ka warqabta in Davies uu doonayo inuu ku soo biiro, halka Los Blancos qudheeda ay dooneyso inay taasi dhacdo.

Baacsiga loogu jiro Davies ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay isu beddelay tartan saddex faras ah oo u dhexeeya Madrid, Man Utd iyo Barcelona.

Barca ayaa dhawaan kusoo biirtay tartanka, loogu jiro xiddiga Alphonso Davies waxaana ay rajeenayaan in joogitaanka tababarihiisii ​​hore ee Bayern Munich er Hansi Flick uu ku qancin doono inuu ku biiro Davies Barcelona.

Laakiin Real Madrid ayaa weli ah kooxda ugu cadcad saxiixa Davies, halka Man Utd ay dibadda ka tahay.

Xiddiga reer Kanada ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu u muuqdaa mid ku dhaw in uu bur-buro heshiiskiisa.

Madrid ayaa qorsheyneysa inay isbedel ku sameyso booskeeda dambe ee daafaca sanadka 2025, waxayna doonayaan inay Davies ka ciyaarsiiyaan garabka bidix iyo sido kale daafaca midig ay ka ciyaarsiiyaan daafaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold.

Real Madrid ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahan khadka dhexe ah xagaaga soo aadan si uu u bedelo Toni Kroos, kaas oo ka fariistay xagaagii lasoo dhaafay.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version