Kooxda Liverpool ayaa dhankeeda qarka u saaran inay kula dagaalanto Bayern Munich adeega weeraryahanka Chelsea ee Christopher Nkunku.
Sida laga soo xigtay warbixin ka soo baxday majaalada Isbaanishka ah ee Fichajes, Liverpool iyo Bayern Munich ayaa labaduba xiiseynaya adeega Christopher Nkunku.
Xiddiga Chelsa weerarka uga ciyaara ee Christopher Nkunku ayaa haatan waxa uu ka fikiraaya mustaqbalkiisa Stamford Bridge, kadib markii uu boos joogta ah uu ka wayay Bules, waxaana suurtagaal ah inuu isaga tago kooxda ka dhisan galbeedka London ee Chelsea, maadama ay xiiseenayan kooxaha ugu wayn ee qaaradda Yurub.
Nkunku ayaa magac wayn ka sameeyay kooxdiisa RB Leipzig oo ka ciyaaraysay, tartanka Bundesliga iyo Champions League ka-gadaal markii uu kusoo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan.
Xiddiga heerka caalami dalka faransiiskaa ee Christopher Nkunku ayaa Chelsea ugu dhaqaaay lacago badan ,hasa ahaatee sida laga rabay uma noqonin Chelsea sida uu qorshaha Bules ahaa.
Waxa uu ku biiray Blues xagaagii 2023, waxaana la filayay inuu ka caawiyo inay wax walba ku soo laabtaan wadada saxda ah. Laakiin, dhaawac halis ah oo ka soo gaaray jilibka ayaa ku reebay inuu ka maqnaado inta badan ololihiisii ugu horreeyay.
Iyadoo 26-sano jirkaan weerarka ka ciyaara uu dib u helay taam ahaanshihiisa, wuxuu u muuqdaa inuu hoos uga dhacay heerka sare ee Stamford Bridge.
Nkunku ayaa dhaliyay 10 gool, waxaana la xaddiday kulmada uu ciyaaraayo, in ka yar 700 oo daqiiqo oo ah uu ciyaaray ayaa ka dhigan inuusan helin fursaddiisa saxda ah oo uu isku muujin lahaa marka loo fiiriyo bandhigiisa kooxda 17-kii kulan ee uu saftay.
Reds ayaa isku diyaariyaan la’aanta nolosha Mohamed Salah, inkasta oo ay isku dayi doonaan inay ka saxiixasn qandaraas cusub oo uu kusii joogaayo Anfield, balse xiddiga heerka caalami ee dalka Masar ayaa dooran kara inuu si xor ah uga tago xagaaga soo aadan.