Kooxda Arsenal ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay heshiis horudhac ah la gaarto kooxda RB Leipzig oo ku saabsan xiddigooda Benjamin Sesko, oo diirada u saaran kooxaha Chelsea iyo Manchester United.
Weeraryahanka RB Leipzig ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah kooxaha Chelsea iyo Manchester United, iyadoo kooxda Bundesliga ka dhisan ay dalbaneyso ku dhawaad 50 milyan ginni si ay isaga fasaxdo suuqa xagaaga 2025.
Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaa laga yaabaa inay la gaarto heshiiska horudhaca ah ee weeraryahanka da’da yar bisha Janaayo.
21-sano jirku waxa uu ku jiraa bandhig wacan xilli ciyaareedkan 2024/25, isagoo dhaliyay lix gool iyo saddex caawin toban kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Horumarka uu sameenaayo da,yarka Sesko ayaa soo jiitay dareenka dhowr koox oo heer sare ah oo Yurub ah, gaar ahaan kooxaha Premier League. Sida Arsenal, Chelsea iyo Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha doonaya.
Dhanka kale, xiisaha ay Chelsea u qabto Benjamin Sesko waa mid iska cad, iyada Kooxda ka dhisan Galbeedka London ay ku guuldareysatay inay lasoo saxiixato weeraryahan suuqii xagaaga, waxayna suuqa ugu soo laaban doonaan weeraryahan inay helaan sanadka dambe.
Weeraryahanka RB Leipzig ayaa sidaas ugu noqday bartilmaameed macquul ah oo ay Chelsea doonayso inay keenan Stamford Bridge sanadka dambe.
Dhinaca kale Manchester United, ma cadda sababta ay Red Devils weli u doonayso saxiixa Sesko. Red Devils ayaa la soo wareegtay laba weeraryahan labadii suuq ee xagaaga ee ugu dambeeyay.
Sesko waa mid ka mid ah weeraryahanada da’da yar ee ugu fiican Yurub, wuxuuna kamid yahay 21-sano jirkan xiddigaha ugu mihiimsan ee kooxda RB Leipzig
Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Slovenia ayaa dhaliyay 14 gool, waxaana uu caawiyay 2 gool 17 kulan oo Bundesliga ah oo uu ku soo bilowday, waxaana uu dhaliyay labo gool afar kulan oo uu ku bilowday UEFA Champions League xilli ciyaareedkii hore.
Weeraryahanka da’da yar ayaa saddex jeer shabaqa soo taabtay labo kulan oo UEFA Champions League ah.
Arsenal ayaana ugu cad cad saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Slovenia ee Sesko kaas oo lagu qiimeeyo 50-m oo ginni.