Kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin kooxaha xiisaynaya saxiixa xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz.

Kooxda Real Madrid ayaa sido kale kamid ah kooxaha xiiseenaaya adeega laacibka kooxda Bayer Leverkusen ee Wirtz sida uu sheegay saxafiga Sky Sports ee Florian Plettenberg.

Qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Bayer Leverkusen ee Wirtz ayaa wuxuu dhacayaa xagaaga 2027.

Sida ku cad warbixinta kor ku xusan, kooxdu waxay rabta in 21 jirkan uu u saxiixo qandaraas kordhin. Si kastaba ha ahaatee, hadii uu go’aansado inuu baxo suuqa xagaaga soo aadan, Leverkusen waxaa ka go’an inaysan ka iibin kooxda ay xafiiltamaan Bundesliga ee Bayern Munich.

Hadda, kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ayaa ah kuwa ugu cadcad saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka.

Kooxda heysata horyaalka waddanka Ingriiska ayaa raadineysa Florian Wirtz bedelka mustaqbalka fog ee Kevin De Bruyne.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa indha la raacaya oo xiiseenaaya kooxaha kale ee ugu sareeya Premier League sida Liverpool, Manchester United  iyo Arsenal  ayaa sidoo kale xiiseynaya helitaanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jarmalka.

Inkastoo Real Madrid ay sidoo kale ku jirto tartanka saxiixiisa, Bayer Leverkusen ayaa u aragta u dhaqaaqista Wirtz ee Santiago Bernabeu xagaaga soo aadan mid aan macquul aheyn. Xilli ciyaareedkii hore, Wirtz waxa uu kamid noqday ciyaattiyda ugu muhiimsan ee uu hoggaamiyo macalin Xabi Alonso kuwaas oo Bundesliga ku guuleestay.

32 kulan ayuu u saftay Leverkusen horyaalka Bundesliga, isagoo u dhaliyay 11 gool iyo 12 caawin. Waxa uu sidoo kale labo gool u dhaliyay xulka qaranka Jarmalka tartanka qaramada Yurub 2024.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version