Kooxda Barcelona ayaa isha ku hayso xiddiga kooxda Napoli iyo xulka Georgia ee Khvicha Kvaratskhelia, inay lasoo wareegto sida laga soo xigtay Fichajes.

Catalans-ku waxa ay raadinayaan in ay xoojiyaan boosaskooda weerarka, Hansi Flick waxa uu si cad u diiday inuu ku raaaco Barcelona in lala soo wareego Joorjiyaanka.

Kvaratskhelia ayaa si joogto ah uga soo muuqanaayay kooxda Napoli kadib markii uu noqday mid kamdi ah xididgaha ugu muhiimsan.

23-sano jirkaan ayaa door weyn ku lahaa guushii kooxda reer Talyaani ee Serie A xilli ciyaareedkii 2022-23 waxaana lala xiriirinaayaa kooxaha waa wayn sida Madrid PSG,  Chelsea, Liverpool, Manchester City, Manchester United, iyo Barcelona, oo qayb ka ah tartanka loogu jiro xiddiga Napoli ee Khvicha.

Waxa uu sii watay qaab ciyaareedkiisa fiicnaa xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool waxana uu caawiyay 3 kale 16 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ah.

Catalans waxay aaminsan yihiin inuu yahay xididg muhiim ah oo ku habboon shaxda kooxda, waxayna ku qanacsan yihiin Kvaratskhelia inuu sidoo kale ku haboon karo miisaaniyadooda.

Xiddiga Khvicha ayaa waxa uu Napoli kula jira heshiis soconaaya ilaa 2027 ah laakiin waxa loo ogolaan karaa in uu ku baxo 80 milyan oo euro xagaaga soo socda.

In kasta oo ay wali lacag sare u tahay kooxda LaLiga, khidmada ayaa ka dhigaysa mid ka jaban kuwa sida Rafael Leao.

Barcelona ayaa sidoo kale waxaa diiradda u saaran xiddiga Nico Williams, laakiin waxaa jira tartan weyn oo ay kala kulmayso kooxa kale xididga Isbaanishka 2025, iyada oo Barca, sidaas oo kale, waxay u weecan kartaa Kvaratskhelia bedelkeeda xagaaga soo socda.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version