Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay Theo Hernandez inuu yahay beddelka suurtagalka ah ee Alphonso Davies, sida laga soo xigtay Calciomercato via Madrid Universal).

Kooxda La Liga ayaa isha ku haysa inay la soo saxiixato daafac bidix oo cusub sanadka 2025, waxaana ay muddo dheer la dhacsan yihiin ciyaaryahanka reer Canada  ee Davies.

Alphonso Davies ayaa ku jira sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Bayern Munich, welina ma saxiixin heshiis cusub.

Los Blancos waxa ay qorshaynaysaa in ay la soo wareegto marka uu dhamaado ololahan.

Waxaa isa soo taraaya xiisaha loo qabo saxiixa ciyaaryahanka, reer Canada ee Davies taas oo keentay in Real Madrid ay diyaar u tahay inay raadiyaan beddelkiisa.

Waxay hadda qorsheenayaan inay Hernandez ku soo celiyaan Santiago Bernabeu.

Laacibka reer France ee Theo Hernandez ayaa laba xilli ciyaareed la qaatay Los Blancos laakin ka tagay isaga oo ku biiray kooxda AC Milan 2019.

Tan iyo markaas, waxa uu isu beddelay mid ka mid ah daafacyada bidix ee ugu fiican Talyaaniga

Qandaraaska ciyaaryahanka reer France ee Theo Hernandez ayaa dhacaya 2026, Rossoneri ayaana dooneysa inay heshiis cusub ka saxiixdo.  Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale diyaar u noqon karaan inay ku fasaxaan € 50milyan oo euro xagaaga soo socda.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version