Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doonto inay Real Madrid ku garaacdo saxiixa 25 jirka Manchester United ee Diogo Dalot.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Caught Offside, Diogo Dalot ayaa bartilmaameed u ah kooxda Barcelona.

Daafaca Manchester United ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah Real Madrid, iyadoo Los Blancos ay diyaar u tahay inay ku iibsadaan adduun dhan 50 milyan ginni si ay u hesho adeegiisa.

Kooxda reer Catalan ayaa isku dayi doonta inay kaga guulaysato kooxaha ay ku xafiiltamaan tartanka loogu jiro xiddiga heerka caalami dalka Portugal ee Diogo Dalot.

Dalot ayaa Manchester United kaga soo biiray kooxda FC Porto bishii Luulyo 2018. Wakhtigaas ka dib, Jose Mourinho ayaa ku ammaanay da’yarka markaas mid ka mid ah “dafaca ugu fiican Yurub ee da’diisa”.

Diogo Dalot  oo 25-jir ah ayaa ilaa iyo hadda waxa uu u saftay kooxdiisa Man United in ka badan 150 jeer, isaga oo dhaliyay lix gool iyo 12 caawin.

Si kastaba ha ahaatee, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal lala xiriirinaayo kooxda Real Madrid, iyadoo warisdaha Caught Offside uu soo jeedinaayo in Barcelona ay isku dayi doonto inay ka dul qaado Los Blancos saxiixa xiddiga Red Devils ee Diogo Dalot.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version