Kooxda Barcelona ayaa a isku dayi doonta in ay kala soo wareegto xiddiga bartil-maamedka ua ah Real Madrid kaas oo qarka u saaran in uu noqdo xiddig beeca xorta ah dhamaadka xilli ciyaareedkan:
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid kula tartami doonto saxiixa daafaca Bayern Munich ee Alphonso Davies.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Canada ayaa bilaash lagu heli karaa marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga 2025.
Warsidaha kasoo baxa gudaha Spain ee SPORT ayaa ku waramaaya in kooxda Bavarian ay weli isku dayeyso inay ka shaqeyso qaabkii ay ugu kordhin laheyd qandaraaska daafaca bidix ee Alphonso Davies Allianz, waxaana la sheegay in Bayern Munich ay isku dayi doonto inay soo gabagabeyso heshiiska seddexda toddobaad ee soo socda.
Iyada oo shaaca laga qaaday in dalabaadka mmushaharka oo uu ka dalbanaayo Davies Bayern Munich ay tahay mid aad u badan, laakiin ciyaaryahanka reer Canada ee Davies ayaa hadda u muuqda inuu go’aansaday inuu u tanaasulo rabitaankiisa.
Haddii uu ka tagayo Munich, daafaca dambeedka midig waxa uu doonayaa inuu kula guuleysto koobab badaan kooxdiisa soo socota.
Tani waxay ka dhigeysaa kooxaha sida Barcelona iyo Real Madrid inay ku daggaalamaan booska ugu fiican si ay u helaan adeegiisa.
Xiligan la joogo kooxda reer Catalan ayaa hoggaanka u haysa kala sarreynta La Liga, iyagoo dhibic ka sarreeya Los Blancos oo ku jirta kaalinta labaad, kuwaasoo uu kulan baaqi u yahay.
Intaasi waxaa dheer, tababaraha kooxda Barcelona ee Hansi Flick ayaa ku jirta naadigiisa Catalan kaalinta seddexaad ee kala sarreynta UEFA Champions League, kaliya seddex dhibcood ayay ka hooseeyaan hogaamiyayaasha Liverpool.
Kooxda Carlo Ancelotti ayaa sanadkan ku dhibtoonaysa Yurub waxayna haatan ku jirtaa kaalinta 24-aad. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku guuleysteen tartanka UEFA Champions League iyo La Liga sannadkii hore.
Warbixintan ayaa intaa ku dartay in mashruuca xiga ee Blaugrana uu udub dhexaad u noqon doono saxiixa daafaca xulka Canada iyo Bayern Munich ee Alphonso Davies.
Si kastaba ha ahaatee, waa la arki doonaa haddii Barcelona ay awood dhaqaale u leedahay inay Davies keento Camp Nou.
Xiddiga reer Canada ee Alphonso Davies ayaa 213 kulan u saftay tartamada oo dhan Bayern Munich, isacaawin.ĺpphaliyay 11 gool iyo 34 caawin.