Kooxda Barcelona ayaan isha ku haynin inay u dhaqaaqdo Mohamed Salah, sida laga soo xigtay Fichajes.net.

Qandaraaska weeraryahanka Masar ee Liverpool ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, welina ma uusan saxiixin heshiis kordhin.

Catalans ayaa ku heshay suuqa iibka ciyaartoyda qaab xor ah waqtiyadii dhawaa ciyaartoy oo ay kamid yihiin sida, Ilkay Gundogan, Andreas Christensen, iyo kuwa kale waxayna durba raadinayaan heshiisyo la mid ah 2025.

Mohamed Salah ayaa dhawaan waxa uu sheegay in aanu wali helin dalabka saxada ah ee cusboonaysiinta qandaraaskiisa uu kusii joogaayo qalcadda Anfield, hasa ahaate si uu bilaash ayuu uga tagi karaa xagaaga soo socda haddii uusan saxiixin heshiis cusub.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda LaLiga ka dhisan kama fikirayso inay u dhaqaaqdo xididga mushaharka badan qaato ee Mohamed Salah.

32-sano jirkaan ayaa sida muuqata ka qaata Reds €25milyan oo euro sanadkii, taas oo ka dhigan inaysan awodin inay bixiyaan kooxda Blaugrana.

Bariga Dhexe ayaa noqon kara meesha ugu macquulsan ee Salah uu aadi karo dhanka iyo horyaalka Saudi Pro League maadaama ay awoodaan inay kusoo jiitaan mushaar waali ah.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version