Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Frenkie de Jong, Ansu Fati, iyo Ferran Torres sanadka 2025, sida laga soo xigtay Fichajes.net.

Kooxda Reer Catalan waxay u badan tahay inay u jeestaan ​​iibinta seddexdan ciyaartoy si ay wax ugu qabsadaan arrimahooda maaliyadeed 2025 waxayna qorsheynayaan inay lacag caddaan ah ku qaataan seddexda ciyaaryahan.

De Jong ayaan wali heshiis kordhin inkastoo loo soo bandhigay heshiis cusub.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kooxdu uu ka dhamaaday dulqaadkii ay u haysay xiddiga reer Holland ayna ka laabteen dalabkii cusboonaysiinta.

Qandaraaskiisa ayaa lagu wadaa inuu dhaco 2026 xididga heerka caalami ee dalka Holland ee De Jong.

Dhanka kale, xalaadda dhaawaca xiddiga Ansu Fati ma muujinin wax astaan ah waxayna u muuqataa mid ka tagaayo kooxdiisa Barcelona haatanna kuma jiro qorshaha Hansi Flick.  

Laacibka reer Spain ayaa loo diiwaan galiyay kaliya todobo kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan, kaliya hal kulan oo ka mid ah ayuu kuso bilowday.

Geesta kale, Ferran Torres sidoo kale waa xididg kale oo dheeri ah oo isaga tagi kara Camp Nou.

Iyadoo Raphinha iyo Lamine Yamal ay ku jiraan qaab ciyaareed fiican islamarkaana boos joogta ah ay heestaan xilli ciyaareedkan, Torres ayaa sidoo kale loo oggolaan doonaa inuu baxo.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version