Kooxda Real Madrid ayaa gashay tartanka loogu jiro saxiixa Martin Zubimendi, sida uu sheegay saxafiga Jose Felix Diaz.

Daafaca bidix ee cusub iyo dambeedka midig ee cusub ayaa ku jiro ajandahooda, laakiin Los Blancos ayaa sidoo kale doonaysa inay xoojiso qadka dhexe.

Real Madrid ayaa u dooratay inay ku beddesho saxiixa xidsiga kooxda Real Sociedad iyo xulka Spain ee Martin Zubimendi ciyaaryahanka reer Germany ee Toni Kroos oo ka fariistay ciyaarha.

Dhanka kale, Luka Modric ayaa sidoo kale ku jira wajigii ugu dambeeyay ee xirfadiisa ciyaareed, lamana filayo inuu wax badan sii wato.

Qandaraaska xiddiga reer Croatia ee Santiago Bernabeu ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan walina ma saxiixin heshiis cusub.

Kooxda heysata horyaalka LaLiga ayaa sida muuqata Zubimendi u aqoonsatay inuu yahay beddelka saxda ah ee Toni Kroos.

Xiddiga reer Spain ayay Liverpool doonaysay xagaagan laakiin waxa uu doortay in uu la sii joogo kooxda Real Sociedad.

Si kastaba ha ahaatee, Zubimendi ayaa waxaa laga yaabaa inuu qaado talaabada xigta ee xirfadiisa ciyaareed xagaaga soo socda.

Qandaraaska uu kula jiro kooxda Basque wuxuu dhacayaa 2027.

Kooxaha Bayern Munich, Barcelona, ​​iyo Arsenal ayaa sidoo kale isha ku haya xiddiga reer Spainee Zubimendi. Los Blancos sidoo kale waxa ay ku jirtaa liiska kooxaha xiiseenaaya balse wali ma aysan bilaabin u dhaqaaqista 25 jirkaan.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version