Kooxda Real Madrid ayaa waxay si dhab ah u xiiseyneysa inay la soo wareegto daafaca kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold suuqa kala iibsiga ee soo socda ee Janaayo, sida laga soo xigtay TBRFootball.
Kabtan ku xigeenka Liverpool ayaa haatan ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa waxana uu awood u leeyahay in uu la hadlo kooxaha kale si ugu saxiixo heshiis hordhac ah laga bilaabo 1-da January 2025.
Xaalada qandaraaska xiddiga reer England ee Alexander-Arnold ayaa haatan mustaqbalkiisa uu shaki wayn uu ku jiraa waxaana laga yaaabaa inuu isaga hayaamo qalcadda Anfield marka uu dhammaado xili ciyaareedka dambe.
Taageerayaasha ayaa si weyn u sugaaya Arnold inuu u kordhiyo qandaraaskiisa Reds, si uu u joogo qalcadda Anfield xili ciyaareedyada soo socda.
Kooxa kale ayaa isha ku haya xaalada qandaraaska ciyaariyahanka reer England ee Arnold, iyadoo Real Madrid ay si firfircoon u xiisaynayso inay u dhaqaaqdo daafaca dambeedka midig, kaas oo u ciyaaray 325 kulan kooxda koowaad, isagoo u dhaliyay 19 gool, caawiyey 83 kale.
Sida ku cad warbixinta aan soo sheegnay, Los Blancos ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato daafac dambeedka midig ee bishaan Janaayo, waxayna Madrid kala hadsahay Liverpool arinta Alexander-Arnold oo ku saabsan in ay hishiis hordhac ah la gaarto bisha janaayo sido kale xili ciyaareedka dambe ay si toos u keento Santiago Bernabeu.