Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inaysan awoodi doonin inay maalgeliso u dhaqaaqista xiddiga reer Sweden ee Viktor Gyokeres sanadka 2025, sida laga soo xigtay SPORT.

Xilli ciyaareedkii hore, Gyokeres waxa loo diwaan galiyay 43 gool iyo 15 caawin 50 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ah.  Waxa uu horay u soo dhaliyay 23 gool iyo afar caawin 18 kulan oo uu ololahan ciyaaray.

Kooxda Catalan ayaa waxaay dejinaysaa qorsho ay doonayso inay ku beddesho Robert Lewandowski waxayna u aqoonsadeen Gyokeres dookha saxda ah.

Ciyaaryahanka ayaa qandaraas kula jira kooxda reer Portugal ilaa 2028, waxaana loo badinayaa inuu ku kici doono 100 milyan euro sanadka soo socda.

Kooxda ka dhisan LaLiga ayaa wali waxaa heesto dhibaatooyin dhaqaale mana awoodaan in ay bixiyaan lacag intaas la eg.  Barcelona waxa ay sidoo kale tartan ay kala kulmi doontaa Manchester United  oo ku aadan adeega ciyaaryahanka

Macalinkii hore ee Sporting Ruben Amorim ayaa durba la wareegay xilka tababaraha cusub ee kooxda Devils.

Gyokeres ayaa ciyaaray waayihiisa ugu fiicnaa xirfadiisa intii uu joogay maamulaha Portugal ee Ruben Amorim waxana laga yaabaa in uu dib ugula midoobo sanadka cusub 2025 garoonka Old Trafford.

Weeraryahanka Iswiidhishka ayaa kamid ah weeraryahanda ugu fiican qaaradda Yurub iyaga oo ay doonayaan kooxdaha ugu waa wayn ee Shanta Horyaal.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version