Sida laga soo xigtay SPORT, Bayern Munich waxay diyaar u tahay inay bangiga u jabiso Florian Wirtz xagaaga soo socda.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka ayaa bartilmaameedka koowaad u ah Real Madrid kahor 2025.

Los Blancos ayaa isku diyaarinaysa la’aanta nolosha Luka Modric, kaas oo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Croatian-ka ayaa durba 39 jir ah, waxaana ay doonayaan beddelkiisa inay helaan.

Kooxda LaLiga ayaa aaminsan in imaatinka Wirtz ay gacan ka geysan karto joogteynta qadka dhexe maadadama uu yahay xiddigo tayo leh.

Bayern Munich ayaa sida muuqata ka shaqaynaysay suuqa kala iibsiga muddo sanado ah waxayna ka hormartay Real Madrid tartanka loogu jiro xididga reer Germany ee Wirtz

Waxay diyaar u yihiin inay u soo bandhigaan wax ka badan €100m 21-jirka, kaas oo qandaraaska uu kula jiro Bayer Leverkusen ayaaa dhacayaa 2027 waxaana laguvwadaa inuu u dhaqaaqo kooxda ku ciyaarto garoonka Allianz Arena ee Bayern Munich.

Xaaladdu waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa qorshayaasha Los Blancos.

Si kastaba ha ahaatee, waxkasta ayaa isbedeli kara haddii ay Xavi Alonso u magacaabaan bedelka Carlo Ancelotti xagaaga soo socda waxaa u fududaan doonto helitaanka Florian Wirtz oo tababare ugu ah Bayer Leverkusen Xavi Alonso.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version