Kooxda Real Madrid ayaa ka gaartay go’aan in xiddigooda Brahim Diaz uusan meelna uga soconin,kooxda sida ay sheegayaan warbixinnada MARCA (via Madrid Universal).

Kooxda Serie A ka dhisan ee AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso weyn u qabto 25 jirkaan, laakiin Madrid ayaa diiday dhammaan dalabyada loo soo bandhigay.

Diaz ayaa seddex xilli ciyaareed amaah ku qaatay (laga bilaabo 2020 ilaa 2023) San Siro, hadda waxa uu xubin muhiim ah ka noqday kooxda tababare Carlo Ancelotti ee Madrid..

Diaz waxa uu u ciyaaray Madrid todobo kulan (laba kulan ayuu ku bilowday) horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, isagoo u dhaliyay hal gool, waxaana uu caawiyay labo gool, isagoo ka ciyaaraayay marka hore garabka midig.

Wax uu kaga soo biiray Real Madrid kooxda Manchester City xiddiga Brahim Diaz waxaana uu dhawaan ka soo laabtay dhaawac muruqa ah.

Los Blancos waxa ay hadda la tacaalaysa dhawr ciyaartoy oo dhaawacya ah, kuwaas oo gaaraaya  ilaa iyo 7-ciyaaryahan oo looga saaray dhaawacyo ay qabaan dartood.

Real Madrid waxaa dhaawacyo kaga maqan ilaa 7 ciyaartoy kahor kulanka soo socda ee LaLiga ee ay la ciyaarayaan Leganes meel ka baxsan gurigooda Axada 24ka November.

Waxaaa kamid ah Aurelien Tchouameni, Dani Carvajal, David Alaba, Eder Militao, Lucas Vazquez, Rodrygo, iyo Thibaut Courtois ayaa dhamaantood qayb ka ah liiskan.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga wakhti xaadirkan iyaga oo leh 27 dhibcood  Waxa ay lix dhibcood kaga dambeeyaan kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona oo leh 33- dhibcood

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version