Kooxda Real Madrid ayaa kula tartamaysa Barcelona adeega xiddiga Joshua Kimmich xagaaga soo socda, sida laga soo xigtay SPORT.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaska uu kula jiro Bayern Munich ilaa iyo weli ma uusan aqbalin heshiis cusub.

Kooxda Bavarian-ka ayaa dooneysa inuu dhimo mushaarkiisa si uu usii joogo qalcadda Allianz Arena.

Xiddiga reer Germany ee Kimmich ayaa weli wuxuu ka caga jiidayaa inuu dhimo dalabaadkiisa mushaharka wuxuuna durba qiimeynayaa xulashooyinkiisa.

Sido kale waxaa xiiseenaaya adeegiisa ciyaaryahanka qadka dhexe ee Kimmich kooxo badan oo Premier League oo ay ku jiraan Manchester United Man City Chelsea iyo kooxo kale.

Si kastaba ha ahaatee, labada koox ee reer Spain ayaa hogaaminaya tartanka loogu jiro adeegiisa haatan.

Los Blancos ayaa waxa ay aaminsantahay in ay ku qancin karaan ciyaaryahanka qadka dhexe eebreer Germany inuu boos joogta ah ka helaayo haddii uu aqbalo hishiiska uu ku imaaanaayo Santiago Bernabeu.

Iyadoo aan la hubin mustaqbalka Aurelien Tchouameni, Kimmich ayaa sidoo kale noqon kara bedelka xiddiga Faransiiska.

Barcelona ayaa sidoo kale indhaheeda ku haysa 29 jirkan laakiin xaaladdooda dhaqaale xumo ayaa siin karta Real Madrid tartankan inay kaga guulaysato.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version