Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona kula tartameyso saxiixa xiddiga Malaga ee Antonio Cordero suuqa January ee soo socda.

18-sano jirkaan reer Spain ayaa haatan ka ciyaara qeybta Segunda ee Malaga, halkaasoo uu kula jiro qandaraas ilaa xagaaga 2025.

Majaladda MARCA ayaa ku warameysa in Cordero uu soo jiitay labada dhinac kooxaha ku xifaaltamaaya adeegiisa ee Barcelona iyo Real Madrid.

Kooxaha  Barcelona iyo Real Madrid ayaa xagaagii hore isku dayay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara laakiin Malaga ayaa diiday inay fasaxaan.

Laakiin qandaraaska uu kula jiro kooxda Segunda Division wuxuu dhacayaa dhowr bilood gudahood, kooxda LaLiga ayaa ogaatay in Cordero uusan xiiseyneynin cusbooneysiinta qandaraaska.

Tani waxay sidoo kale albaabada u furaysaa labada kooxoodba inay dalab ka gudbiyaan xiddiga da’da yar marka la gaaro suuqa January.

Cordero ayaa ilaa iyo haatan waxa loo diwaan geliyey saddex gool iyo saddex caawin 13 kulan oo uu u saftay tartamada Malaga xilli ciyaareedkan.

Waxaana uu fursad dahaabi ah ka heli karaa midkood labada kooxood ee Isbaanishka ah haddii uu u dhaqaaqo sanadka soo socda, ama kadib.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version