Barcelona ayaa haatan isha ku haysa in ay dib u cusboonaysiiso heshiisyada Pedri iyo Gavi sida uu sheegay saxafiga Fabrizio Romano.

Arintaan ayaa loo arki karaa inay tahay tilmaan cad oo muujineysa in kooxdu ay u aragto labadaan ciyaaryahan inay u yihiin ciyaaryahan waqti dheer kooxda joogaayo islamarkaana muhiim ka ah

Pedri waa ciyaaryahan khadka dhexe ah oo hal abuur leh, waxaana uu kusoo baxay safka koowaad ee kooxda wuxuuna noqday xubin muhiim ah koxda Catalan ka tirsan mudooyinkii ugu dambeeyay.

Xilli ciyaareedkii 2024-25, xiddiga reer Spain ayaa dhaliyay seddex gool, waxaana loo diiwaan geliyay labo caawin 17 kulan oo uu saftay.

Sida guud Pedri waa ciyaaryahan khad dhexe, waxa uu sidoo kale u ciyaari karaa khadka dhexe ee weerarka marka loo baahdo.

Pedri qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa Barcelona ayaa ku eg ilaa June 2026.

Kordhinta qandaraaskiisa waxay astaan u noqon kartaa in madaxda La Blaugrana aysan dooneynin inay iska iibiyaan xidigooda Pedri.

Dhanka kale, Gavi waa ciyaaryahan khadka dhexe kaas oo awood u leh inuu xasiliyo khadka dhexe.

Gavi ayaa dhawaan ka soo laabtay dhaawac dhanka jilibka ah oo uu ka soo gaaray dhaawac dhowr bilood ah.

Si kastaba ha ahaatee, si buuxda ayuu u soo kabsaday, waxaana uu awooday inuu lix kulan u saftay La Blaugrana xilli ciyaareedkan.

Gavi ayaa sidoo kale haatan qandaraas kula jira Camp Nou ilaa June 2026.

Dib u cusbooneysiinta qandaraaskiisa ayaa laga yaabaa inay kooxda ku sii hayso dhowr sano.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version