Kooxda Barcelona ayaa go’aan ka gaartay oo ay kaga hortagayso dalab kasta oo laga soo gudbiyo xiddiga khadka dhexe ee Marc Casado xilli ay sii kordhayaan xiisaha kooxaha Premier League ee Liverpool iyo Chelsea.

Kooxda reer Spain ayaa doonaysa in ay sii haysato da’yarkan kaas oo qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Isbaanishka Casado ayaa ah mid ka mid ah da’yarta bandhigyada ugu fiican sameeyay xilli ciyaareedka kadib markii uu ku soo baxay ciyaaryahan muhiim ah oo hoos yimaada tababare Hansi Flick, iyadoo qaab ciyaareedkiisa uu ku kasbaday in looga waco xulka Spain.

21-sano jirkaan ayaa kulankiisii ​​ugu horeysay u saftay Spain ciyaartii ay 2-1 kaga badiyeen Denmark usbuucii hore, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee heysta  European Championship/horyaalnimada Yurub.

Kooxaha Ingiriiska Liverpool iyo Chelsea ayaa xiiseenaya xiddiga ka soo baxay kuliyadda La Masia, kaas oo noqday mid kamid ah xiddigaha da’yarta ah ee bandhiga cajiibka ah sameenaaya.

Warsidaha CaughtOffside ayaa ku waramaayaa in Chelsea iyo Liverpool labaduba ay doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee da’da yar, kaas oo 11 jeer kasoo muuqday LaLiga xilli ciyaareedkan.

Warbixin ay soo saartay Fichajes ayaa lagu sheegay in Barcelona aysan diyaar u ahayn inay iibiso Casado oo xilli ciyaareedkan noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee daafaca ayaa u muuqda inuu buuxiyay booska kubad burburi-yihii hore ee  Sergio Busquets ee kooxdiisa, isagoo ciyaaray in ka badan 1,100 daqiiqo xilli ciyaareedkan ilaa hadda.

Geesta kale Liverpool ayaa suuqa ugu jirta ciyaaryahan khadka dhexe ah oo daafaca ka ciyaara, ka dib markii ay xagaagii ku fashilmeen inay soo xero geliyeen xiddiga heerka caalami ee dalka Spain Martin Zubimendi oo ka tirsan Real Sociedad.

Ryan Gravenberch ayaa ka ciyaaray khadka dhexe ilaa haatan xilli ciyaareedkan, laakiin kooxda ayaa sidoo kale doonaysa in ay booska ku soo kordhiso xiddig kale oo tayo leh.

Dhanka kale Chelsea ayaan ku faraxsanayn tayada qaab ciyaareedka Enzo Fernandez, waxayna isha ku haysaa inay la soo wareegto ciyaartoy kale oo khadka dhexe ah si ay ugu bedelaan booskiisa.

Casado heerkiisa farsamo iyo taatikadiisa cajiibka ah ayaa keentay inay u arkaan inuu buuxin karo boosaska khadka dhexe ee badan.

Casado ayaa Barcelona kula jira heshiis dhacaya 2028, isagoo qandaraas cusub saxiixay kaliya shan bilood ka hor.  Wiilkaan ayaa ku faraxsan inuu matalo kooxdiisii ​​caruurnimada, lamana filayo inuu meel kale u wareego.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version