Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseenayso saxiixa weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Donyell Malen xagaaga soo aadan.

25-sano jirkan ayaa qandaraaskiisa haatan ee kooxda wuxuu ku eg yahay Jun 2026.

Donyell Malen ayaa Borussia Dortmund kaga soo biiray PSV Eindhoven bishii Juun 2021 markaas oo ay kula soo wareegtay 30 milyan oo euro.

125 kulan oo uu u saftay kooxda tartamada oo dhan, waxa uu ka qayb qaatay 38-gool iyo 20-caawin.

Wali wax koobab ah kulma guulaysanin kooxda Bundesliga ka dhisan balse waxa uu caan ku yahay doorka weerarka.

Malen ayaa wuxuu u ciyaari karaa labadaba garabka midig iyo weerarka inkastoo inta badan loo arko inuu yahay weerarka dhexe ee xulka qaranka Holland. Sagaal gool ayuu u dhaliyay 39 kulan oo uu u saftay Netherlands

Sida laga soo xigtay saxafiga Ekrem Konur, Barcelona waxa ay xiisaynaysaa in ay Malen la soo wareegto xagaaga 2025.

Kooxda reer Catalan ayaa doonaysay in ay xoojiso weerarkeeda, iyada oo Robert Lewandowski uu shaki ku jiro mustaqbalkakiisa Catalan maadaama uu yahay xiddig 36-sano jir.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Malen uu aad u jecel yahay inuu ka tago Bundesliga oo uu u dhaqaaqo Premier League ama LaLiga.

Xiddiga reer Holland ayaa dhawaan bedelay wakiilkiisa, waxaana uu doonaayo yahay inuu ka ciyaaro Barcelona xili ciyaareedka dambe.

Konur waxa kale oo uu sheegay in aanay ahayn markii ugu horaysay ee Donyell Malen la la xidhiidhiyo La Blaugrana.

Barca ayaa horay u xiiseyneysay saxiixiisa xilli ciyaareedkii 2020-21 markaas oo Ronald Koeman uu ahaa tababaraha.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version