Kooxda Real Madrid ayaa waxaa laga yaabaa in ay ku kalsoonaato in ay heshiis is ku dhaafsanayaan suuqa January kula soo wareegto Trent Alexander-Arnold iyo sido kale Aurelien Tchouameni oo uu u wareego Liverpool.

Sida laga soo xigtay warsidaha Defensa Central, Real Madrid ayaa albaabada u furi karta heshiis isdhaafsi ah oo ay kula soo wareegayso Trent Alexander-Arnold oo ka tirsan Liverpool.

Real Madrid ayaa doonaysa inay hishiis isku beddelasho ah ay kula soo wareegto Trent Alexander-Arnold oo uu qayb ka yahay Tchouameni.

Reds ayaa hoggaanka u haysa kala saraynta horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier league iyo Champions Leaque inkasta oo mustaqbalkooda aan la hubinin seddexda xidig ee muhiimka ah ee Virgil van Dijk, Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold kuwaas oo laga yaabo inay isaga hayaamaan qalcadda Anfield.

Kooxda ka dhisan gobolka Merseysider-ka ayaan weli go’aan adag ka gaarin mustaqbalkooda, iyadoo Real Madrid ay durba ka fikireysay inay u dhaqaaqdo daafaca midig kahor suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Tchouameni ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Los Blancos,mudooyinkii ugu dambeeyay kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu kusoo bandhigay Santiago Bernabeu.

Liverpool ayaa durbaba ka fakaraysay dalab xagaa ah oo ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe ee reer France si ay ugu xaliyaan qadkooda dhexda.

Si kasta ha ahaatee, waxaa lagu soo waramayaa inay 25 milyan euro ka doonayaan Real Madrid iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tchouameni waxaana ku jjra heshiis u oggolaanaya inuu Alexander-Arnold uu u dhaqaaqo Santiago Bernabeu.

Sida warbixinta lagu sheegay, Perez kama soo horjeedo in loo ogolaado Tchouameni inuu qayb ka noqdo heshiiska Alexander-Arnold oo ugu biiraayo Madrid.

Ciyaaryahanka khadka dhexe reer France ee Tchouameni ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu baxo, Liverpool ayaana ka mid ah kooxaha sida weyn u xiiseynaya saxiixiisa.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version