Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay sii wadato rikoodhkooda guulaha, marka ay axada ku wajahaan garoonka kooxda Real Sociedad ee Reale Arena, Donestia-San Sebastian Spain

Kooxda uu hoggaamiyo macalin Hansi Flick’s ee Barcelona ayaa si raaxo leh ku fadhisa hogaanka horyaalka La Liga, waxaana ay isku diyaarinayaan inay wajahaan kooxda kaalinta 11-aad ku jirta ee Real Sociedad, kuwaasoo si joogta ah u taagnaa ololaha cusub.

Kooxda martida loo yahay ayaa urursatay 15 dhibcood 12kii kulan ee ay ciyaartay afar guul, saddex barbaro iyo shan guuldaro. Intii ay ku jireen shan kulan oo xiriir ah oo aan laga badinin waxa ay soo idlaatay ciyaartii ugu dambeysay ee ay la ciyaareen FC Viktoria Plzen ee tartanka Europe League.

Barcelona ayaa uruursatay 33 dhibcood 12 kulan oo ay ciyaartay iyada iyada oo guul gaartay 11-kulan hal kulan oo kamid ah ayay guuldaro la kulmeen.

Blaugrana waxa ay badisay todobadii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan waxana ay eegi doontaa in ay sii wataan rikoodhkan, marka ay u safrayaan kooxda Real Sociedad.

Xaqiiqoyinka Kulanka:

●Barcelona ayaa heysata weerarka ugu fiican La Liga iyagoo durba dhaliyay 40 gool 12 kulan oo ay ciyaartay. Kooxda labaad ee ugu fiican waa Real Madrid oo dhalisay kaliya 21 gool.

●Real Sociedad ayaa ilaa hadda laga dhaliyay 10 gool taas oo ah rekoodhka difaaca ugu fiican halka kooxda Catalan laga dhaliyay 11 gool.

●Kooxda Alguacil ayaa heysata rikoorka ugu xun garoonkooda xilli ciyaareedkan iyagoo helay afar dhibcood lixdii kulan ee ay ciyaareen.

●Kooxda Hansi Flick waxa ay ku jiraan todobo kulan oo isku xigta oo guulo ah tartamada oo dhan.

Shaxaha Macquulka Ah:

Safka macquulka ah ee Barcelona: (4-2-3-1): Pena; Kounde, Cubarsi, Inigo Martinez, Balde; Casado, Pedri; Yamal, Olmo, Raphinha; iyo Lewandowski.

Safka macquulka ah ee Real Sociedad: (4-3-3): Remiro; Aramburu, Zubeldia, Elustondo, Javi Lopez; Mendez, Zubimendi, Sucic; Kubo, Oyarzabal, iyo Gomez.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version