Kylian Mbappe waa da’yarka koowaa ee ugu qaalisan taariikhda kubbadda cagta, waxaana taas ugu wacan 180 milyan oo Yuuro oo uu uga soo wareegay AS Monaco kuna biiray Paris Saint-Germain  sanadkii 2018.

Xiddiga reer France ayaa markii hore ugu biiray Parisians heshiis amaah ah oo hal sano ah ka hor inta aan heshiiska laga dhigin mid joogto ah.

Waxa uu noqday Mbappe gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda PSG bishii Maarso 2023, isagoo dhaafay Edinson Cavani goolkii uu ka dhaliyay FC Nantes.

Joao Felix waa da’yarka labaad ee ugu qaalisan abid kubadda cagta.

Weeraryahanka reer Portugal ee Felix ayaa bandhig wacan ka sameeyay Benfica taas oo sababtay in kooxdiisa Benfica ay kaga iibiso lacag qaali ah Atletico Madrid adduun gaaraaya €127.2m 2019ka.

Jude Bellingham ayaa si dirqi ah isaga waayay liiskan sababtoo ah waxa uu noqday 20 jir laba maalmood ka hor intii aanu ugu dhaqaaqin 103 milyan euro Real Madrid. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa weli ahaa 19 sano jir markii Los Blancos ay soo gabagabeysay heshiiska Borussia Dortmund, laakiin wuxuu si farsamo ah ugu soo biiray kooxda 1dii Luulyo, isagoo markaas ahaa 20 jir.

Iyadoo Bellingham uu ka baxay, liiska seddexaad kaalinta saddexaad waxaa soo fadhiistay Matthijs de Ligt. Daafaca Netherland ayaa ka tagay Ajax si uu ugu biiro Juventus qiimo dhan €85.5m sanadka 2019. Waxa uu u saxiixay Bayern Munich seddex sano kahor inta uusan ku biirin Manchester United 2024.

Saxiixa Man Utd ee Leny Yoro oo ay kala soo wareegeen Lille, oo ay ku kacday €63m ilaa iyo €70m, waa heshiiskii afraad ee ugu qaalisanaa ee ay ku iibiso da’yar, iyadoo Red Devils ay ku garaacday Real Madrid saxiixa daafacan da’da yar.

Romeo Lavia waa da’yarka shanaad ee ugu qaalisan abid. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa hal xilli ciyaareed ku qaatay Southampton ka hor inta aysan Chelsea bixin €62.1m si ay ula soo saxiixdaan ka dib markii ay ka hareen Premier League.

Kaalinta lixaad waxaa ku jira Anthony Martial; Waxa uu ka tagay Monaco oo uu ugu biiray Manchester United 60 milyan euro 2015kii.

Liiskan waxa ku jira kaalinta 7-aad ee Joao Neves kaas oo PSG kaga soo biiray Benfica sanadkii 2024 markaas oo ay ku soo iibsatay 59.95 milyan euro.

PSG ayaa da’yar kale kula soo wareegtay 2024 lacag dhan €50m Desire Doue oo ay kaga soo qaadatay Rennes, taas oo ka dhigaysa booska siddeedaad.

Saddexda ciyaartoy ee reer Brazil Vinicius Junior, Rodrygo iyo Endrick waa wada jirka sagaalaad ee da’yarta ugu qaalisan kubbadda cagta. Dhammaantood waxay ka tageen dalkooda iyagoo ku biiray Real Madrid €45m.

Haddaba halkan hoose ku dhifo liiska oo dhameestiran.

 

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version