Kooxda Al-Hilaal ayaa si rasmi ah u shaacisay dhaawaca Neymar. Xiddiga reer Brazil ayaa soo gaaray dhaawac dhinaca muruqa, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa ugu yaraan 4-6 usbuuc oo uu qaadan doono daaweyn.

Xiddiga 32-jirka ah ayaa 42 daqiiqo u ciyaaray kooxda Al-Hilaal xilli ciyaareedka 2024/25 waxana uu mar kale ku dhaawacmay tartanka AFC Champions League horaantii bishan. Tan iyo markii uu ku biiray Al-Hilaal sanadkii 2023, Neymar waxa uu kooxda u ciyaaray kaliya 7 kulan, waxa uu u dhaliyay 1 gool iyo 3 caawin.

Neymar ayaa la filayaa inuu maqnaan doono ugu yaraan hal bil kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray dhanka muruqa kaliya labo jeer.

Xiddiga reer Brazil ayaa muddo sannad ah garoomada ka maqnaa dhaawac kasoo gaadhay dhanka seedaha hore kulankii uu u ciyaarayay xulkiisa Brazil ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebka Koobka Adduunka ee bishii October ee la soo dhaafay.

Waxa uu soo laabtay bishii hore laakiin waa laga saaray kaliya 29 daqiiqo ciyaarta markay socotay kadib markii uu soo gaaray dhaawac dhanka muruqa, kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Iran ee Esteghlal kulan ka tirsan Asian Champions Elite League Isniintii.

Al-Hilal ayaa haatan xaqiijiyay in 32-sano jirkaan, kaas oo kaliya matalay kooxda todobo jeer tan iyo markii uu kaga soo biiray Paris Saint-Germain sanadkii hore, inuu maqnaan karo ilaa lix isbuuc.

“Baaritaannada la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Neymar Jr uu jeexmay seed dhinaca muruqa” ayuu Al-Hilaal ku yiri hadal uu soo dhigay X.”.

“Waxa uu mari doonaa barnaamij daaweyn iyo baxnaanin ah oo socon doona afar ilaa lix toddobaad.”

Hadda waxa uu seegi doonaa isreebreebka Koobka Adduunka ee soo socda ee Brazil, oo ay la ciyaarayaan Venezuela 14ka November iyo Uruguay lix maalmood ka dib.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version