Ancelotti ayaa shir jaraa’id uu qabtay kaga hadlay xaaladda guud ay kooxda la daala dhacayso, guuldaroyin xanuun badan oo soo gaaray iyada oo shaki la galinaayo mustaqbalkiisa Madrid.
Carlo ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu ku sheegay meelaha kooxda ay ka liidato kahor kulanka ay kusoo dhaweenayaan gurigooda Santiago Bernabeu galabnimada saabtida Osasuna kulan ka tirsan horyaalka waddanka Spain ee La Liga waregiisa 13-aad.
Ancelotti ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan,
<span;>”Waxaan u maleyneynaa inaan ogaanay dhibaatada, waan arki doonaa haddii taasi run tahay”
Kadib guuldaradii seddexaad ee xilli ciyaareedkan ka soo gaartay AC Milan, Carlo Ancelotti ayaa la tacaalaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaaya guddiyaasha ugu sarreeya, Real Madrid ayaa si weyn u doonaysay inay ka jawaabto kulanka Osasuna Sabtida gurigeeda kula ciyaarayso.
“Horaantii xilli ciyaareedka kadib barbarihii an la galnay Las Palmas, Ancelotti wuxuu sharaxay in shaqaalaha tababarka ay ka warqabeen dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, laakiin caddeynta ayaa ah inay awoodi waayeen inay xaliyaan. Ancelotti waxa uu sheegay in uu rajaynayo in uu arko xalalkooda marka ay garoonka ku jiraan kulanka Los Rojillo”.
Isaga oo kusoo gaba gabeeyay shir jaraa’idkiisa: “Waxaan u maleyneynaa inaan helnay xalka, laakiin tani waa aragti. Xaqiiqda waa la arki doonaa berri. Meeshan ma’aha meel lagaga hadlo dhibaatooyinka ina soo maray”.