Waxaa la soo wariyay usbuucan in Real Madrid ay doonayso inay la soo wareegto ciyaaryahan khadka dhexe ah xagaaga soo socda.
Kadib markii uu ka fadhiistay ciyaaraha kubadda cagta qadkooda dhexe ee Toni Kross, Real Madrid ayaa go’aan ku gaartay inay baadi goobto xili ciyaareedkan xiddiga ay ku beddeli lahaayd Kroos xagaaga 2025.
Go’aanka ah in aan lagu bedelin xiddiga Toni Kroos ka hor bilowga xilli ciyaareedkaan ayaa si weyn uga soo horjeestay Los Blancos, waana sababta hadda la doonayo in lagu saxo xaalada 2025.
Xiddiga Manchester City iyo xulka qaranka Spain ee Rodri Hernandez ayaa bartilmaameed u noqday bilihii la soo dhaafay, inkasta oo aanu ahayn xiddig muhiim ah oo ay heli karto Real Madrid.
Sida laga soo xigtay wargayska CaughtOffside, waxay sidoo kale xiiseenayaan xiddiga kooxda Torino ee 23 jirka Samuele Ricci inay ku beddalan Kroos.
Ricci waxa uu Torino u ahaa mid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan 12-18 bilood ee lasoo dhaafay. Sidoo kale Real Madrid, waxaa lagu soo waramayaa in kooxaha Chelsea, Manchester City iyo Inter Milan ay tartan kula galayso sida ay gacanta ugu dhigi lahayd.
Ricci waxa uu noqonaaya saxeex ku habboon kooxda Real Madrid, iyaga oo doonaaya inay ku beddelaan Toni Kroos.