Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa sare u qaaday xiisaha ay u qabaan xiddiga Real Madrid ee Vinicius Junior.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ah ee Fichajes, Vinicius Junior ayaa diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Real Madrid, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil lala xidhiidhinaayo kooxaha ugu waa weyn ee qaaradda Yurub.

Vinicius ayaa wuxuu ka soo baxay kuliyadda Akadeemiyada kooxda Flamengo, waxayna Los Blancos ay kusoo iibsatay lacag qaali ah xagaagii 2018.

Ciyaaryahanka ka qalin jabiyay Kuliyadda Akadeemiyada kooxda Flamengo ayaa dhaliyay 24 gool iyo 11 caawin xilli ciyaareedkii hore.

Qandaraaska uu kula jiro Madrid, xididga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa ku eg xagaaga 2027, isaga oo sheegay inuusan dooneynin inuu qandaraaskiisa uu u kordhiyo Madrid.

Sikasta ha ahaatee kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa ah laba koox oo waaweyn oo Premier League ah kuwaas oo xiiseenaaya inay laso wareegaan 24 jirka reer Brazil ee Vinicius Junior.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version