Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay lasoo wareegto xididga kooxda Man City iyo xulka Norway ee Erling Haaland si uu ugu noqdo beddalka xididga reer Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Vinicius Jr, kaas oo u muuqda mid hadal hayntiisa ay issa soo taraysa islamarkaana lagu wado inuu kooxda ka tago sanadka dambe.

Sida laga soo xigtay wargayska caanka ah ee Fichajes, Madrid ayaa diyaarinaysa dalab gaaraya 200 milyan euro ah oo ay ku doonayaan xididga reer Norway iyo City ee Haaland 2025.

Qorshaha ay damac san tahay Madrid ayaa ah in Haaland uu beddelo Vinicius Jr, kaas oo u muuqda mid ka tagi kara Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Qandaraaska xiddiga reer Brazil ee Vini Jr aya wuxuu dhacayaa 2027, mana xiiseenayo inuu kordhiyo. Xiddiga kooxda Madrid ayaa u muuqda mid u furan tartan cusub, waxaana uu sidoo kale ka careysan yahay inuusan ku guuleysan Ballon d’Or.

Vinicius Jr waxaa doonaya kooxaha Saudi Pro League, si la mid ah Man Utd iyo PSG ayaa xiiseenaaya inay gacanta kusoo dhigaan.

Dhanka Haaland, waxaa la saadaaliyay inuu ka tago Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan sababo dhowr ah dartood.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version