Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka waddana Spain La Liga ee Barcelona ayaa doonaysa in ay gaadho guushaydii 11-aad ee xilli ciyaareedka cusub marka ay marti u noqoto kooxda ku jirta kaalinta 17-aad ee Espanyol.

Barcelona ayaa doonaysa in ay afar guul oo xiriir ah horyaalka La Liga gaadho kulanka Espanyol oo labadii kulan ee ugu danbeeyay laga soo badiyay horyaalka La Liga, waxayna ku soo dhawaynaysaa Estadi Olimpic Lluis Companys fiidnimada maqribka

Blaugrana ayaa hoggaanka u haysa miiska dhibcaha iyagoo leh 30 dhibcood 11kii kulan ee ay ciyaareen. Waxa ay farqi lix dhibcood ah ka sareeyaan Real Madrid oo ku jirta kaalinta labaad kadib markii ay ka adkaadeen El Clasico.

Wiilasha Hansi Flick ayaa ciyaarayay kubad aan caadi ahayn, waxaana ay 4-0 ku xasuuqeen Real Madrid ciyaartii ugu danbeysay, waxay kalsooni ku qabaan fursadahooda kulanka Espanyol.

Xaqiiqoyinka Kulanka.

●Kooxda Barcelona ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

●Espanyol ayaa badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka oo ay ciyaareen

●Kooxda Hansi Flick ayaa rekoodh aad u wayn oo waji ka waji ah ku leh kooxda martida ah iyaga oo badiyay 102 ka mid ah 176kii kulan ee labada kooxood.

●Blaugrana  lagama badinin 26-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka oo ay wajahday Espanyol.

●Espanyol ayaa ku guuleysatay inay xaqiijiso hal dhibic labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay kulmeen labada kooxood.

Shaxaha Macquulka Ah.

Probable Lineup (4-3-3): Pena; Kounde, Cubarsi, Inigo Martinez, Balde; De Jong, Pedri; Yamal, Olmo, Raphinha; iyo Lewandowski.

Probable Lineup (4-4-2): Garcia; El Hilali, Kumbulla, Cabrera, Olivan; Tejero, Kral, Gragera, Carreras; Puado, Veliz.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version