Kulanka El Clasico waaa kulanka ugu xiisaha iyo xamaasadda badan ee kubadda cagta laga cayaaro gaar ahaan Spain iyo kulamada kale islamarkaana ugu xifaaltanka adag.

Halyeeyada ay ka midka yihiin Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Alfredo Di Stefano, Ferenc Puskas, Zinedine Zidane, Johan Cruyff iyo qaar kale oo badan ayaa dhamaantood wacdaro ka dhigay kulamada El Clasico.

Yaa dhaliyay goolasha ugu badan ee El Clasico?
Lionel Messi ayaa ah gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda El Clasico, isagoo 26 jeer shabaqooda uu soo taabtay kooxda Real Madrid, xilli ciyaareed qurux badan oo uu la qaatay Barcelona.

Waxa ku xiga Alfredo Di Stefano oo Real Madrid ka tirsan 18-gool ayuu ka dhlaiyay Barcelona kulanka El Clasico= si lamid ah Cristiano Ronaldo oo ka tirsanaa Real Madrid ayaa ka dhlaiyay Barcelona 18-gool kulanka El Clasico Karim Benzema oo kamid ahaa Real Madrid ayaa 16-gool ka dhaliyay Barcelona kulanka El Clasico.

Yaa ugu safashada badan El Clasico?

Sergio Busquets ayaa heysta rikoodhka safashada kulamada ugu badan ee El Clasico, isagoo 48 kulan ka horyimid Real Madrid.

Lionel Messi iyo Sergio Ramos ayaa labadoodaba kasoo muuqday min 45 kulan oo El Clasico Derby ah, iyadoo labada ciyaaryahan ay ku jiraan kaalinta labaad ee liiskaan, iyagoo ka sareeya Karim Benzema (43).

Yaa ugu caawin badan kulamada El Clasico?

Lionel Messi ayaa heysta rikoorka gool caawinta ugu badan El Clasico ee abid isagoo sameeyay 14 caawin.

Yaa badiyay kulamada ugu badan ee El Clasico?
Sergio Busquets ayaa badiyay kulamada ugu badan taariikhda El Clasico isaga oo guul gaaray 23 kulan.

Waa kuma ciyaaryahankii ugu da’da yaraa abid ee kasoo muuqda El Clasico?

Lamine Yamal ayaa noqday gooldhaliyaha ugu da’da yar El Clasico 26kii Oktoobar 2024. Waxa uu shabaqa soo taabtay isagoo jira 17 sano iyo 105 maalmood ciyaartii quruxda badneyd ee Barcelona ay 4-0 kaga badisay Bernabeu.

Waa kuma gooldhaliyaha ugu da’da weyn El Clasico?

Alfredo Di Stefano waa gooldhaliyaha ugu da’da weyn taariikhda El Clasico. Waxa uu ahaa 37 sano iyo 164 maalmood markii uu dhaliyay 15 December 1963.

Waa maxay guushii ugu waynayd abid ee El Clasico?

Guushii ugu weyneyd ee El Clasico waxay ahayd Real Madrid 11-1 Barcelona 19 June 1943 Copa del Rey.

Miyay Barcelona ama Real Madrid badiyeen kulamo badan oo El Clasico ah?

Kadib kulankii dhacay 26kii Oktoobar 2024, Real Madrid ayaa badisay kulamada rasmiga ah ee El Clasico marka loo eego Barcelona. 258 kulan oo rasmi ah oo dhex maray labada kooxood, Real Madrid ayaa badisay 105 jeer, Barcelona ayaa badisay 101 jeer, waxaana 52 barbaro ah galeen.

Waa kee goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa abid ee El Clasico?

Goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa taariikhda El Clasico waxaa dhaliyay Karim Benzema oo ka tirsanaa Real Madrid 21 ilbiriqsi kadib 10 December 2011.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version