Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay Trent Alexander-Arnold u soo bandhigto heshiis shan sano ah, £14-15 milyan sanadkii uu ku qaadanaayo.

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay bixiso lacagaha ay ku doonayso Trent Alexander-Arnold si ay ugu soo jiidato mushaharka sanadlaha ay siinayso iyada oo Liverpool ay raadinayso dookhyada badalka ah.

Sida laga soo xigtay wargayska Caught Offside, Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay Trent Alexander-Arnold u soo bandhigto mushahar dhan 14-15 milyan oo gini si uu ugu biiro xagaaga dambe.

Kooxda reer Spain ayaa isha ku heysa inay si xor ah kula soo wareegto daafaca dambeedka midig, iyadoo Liverpool lagu soo waramayo inay raadineyso bedelka suuqa.

Wali ma cadda mustaqbalka xididga Trent Alexander-Arnold ee Liverpool.

Qandaraaska haatan ee daafaca midig ayaa dhacaya xagaaga, Real Madrid ayaana si xoogan u raadineysa saxiixiisa si xor ah inay kusoo qaataaan xagaaga soo aadan.

Waxaa jira warar sheegaya in Alexander-Arnold uu oggolaaday in uu ku biiro Real Madrid, in kasta oo ay warar is khilaafsan sheegayaan in Liverpool ay horumar ka samaynayso wadahadallada ay kula jirto daafaca si ay hishiis cuusb uga saxiixato.

Si kastaba ha noqotee, natiijada xaaladdu waxay sii caddaan doontaa oo keliya marka la gaaro sanadka cusub, maadaama ay soo bixi doonaan fursado badan.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa ka raadinayso dookhyada badalka ah, ciyaaryahan Trent iyada oo uu bartilmaameed u yahay daafaca kooxda AS Monaco’s ee Vanderson.

Sido kale daafaca buuxa kooxda Fiorentina ee Michael Kayode ayaa ah dookh kale oo ay Liverpool beddel uga dhigi karaaan si lamid ah waxay baddal uga dhigi karaan daafaca kooxda Bayer Leverkusen’s ee Jeremie Frimpong kaas oo uga ciyaara daafac dambeedka midig ee weerarka waxayna u badan tahay inuu ka tago Bundesliga xagaaga soo aadan.

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay bixiso heshiis weyn oo ku kacaya 14-15 milyan ginni sanadkii iyo sidoo kale ay kula soo saxiixato xididga Alexander-Arnold qaab xor ah kaas oo uu ugu biiraayo Real Madrid xagaaga soo socda.

Share.

Comments are closed.

Exit mobile version