Hansi Flick ayaa lagu soo waramayaa inuu ku riixayo Barcelona inay la soo saxiixato 24 jirka weerarka uga ciyaara xulka Serbia ee Dusan Vlahovic oo ka tirsan kooxda Serie A ee Juventus suuqa xagaaga 2025.

Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay Juve Live, Dusan Vlahovic ayaa waxaa xiiseenaaya kooxda Barcelona inay lasoo saxiixdaan suuqa xagaaga 2025.

Macalinka kooxda Barcelona ee Flick ayaa dabada ka riixaaya kooxda reer Catalan si ay ula soo saxiixato weeraryahanka Juventus iyo xuka Serbia ee Dusan Vlahovic xagaaga 20225.

Kooxda Serie A ka dhisan ayaa laga yaabaa inay iska fasaxdo xiddigooda Dusan islamarkaana ay kala dhamaadaan 24 jirkaan weerarka ka ciyaara hadii labada dhinac ay isku fahmi waayaan heshiis cusub.

Dusan Vlahovic ayaa ku fashilmay inuu la qabsado kooxda ka dhisan magaalada Torino ee Old Lady, tan iyo markii uu Juventus kaga soo biiray Fiorentina bishii January 2022.

Si kastaba ha ahaatee, Vlahovic ayaa hoos u dhacay marka loo eego bandhigiisa gooldhalinta  intii uu ku sugnaa Juventus ilaa iyo hadda, welina ma uusan gaarin heerkii ugu sarreeyay uu gaaray intuu la joogay Fiorentina.

24-sano jirkan ayaa sameenaaya bandhig wacan xilli ciyaareedkan 2024/25, isagoo dhaliyay toddobo gool iyo sidoo kale hal caawin Toban kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, weeraryahanka Serbia ayaa weli ah ciyaaryahan si weyn looga doonayo suuqa, iibka ciyartoyda  iyadoo kooxo badan oo reer Yurub ah ay ku raad joogaan saxiixiisa.Vlahovic ayaa wuxuu wajahayaa mustaqbal aan la hubin Juventus, maadaama uu geli doono 18-ka bilood ee ugu dambeeya qandaraaskiisa Janaayo, iyadoo wadahadalo heshiis kordhin ah aan  laga gaarin qandaraaskiisa.

Hansi Flick ayaa doonaya in Blaugrana ay la soo wareegto weeraryahanka kooxda Juventus iyo xulka Serbia ee suuqa xagaaga 2025 isagoo doonaaya inuu beddel kaga dhigo xiddiga rer Poland ee Robert Lewandowski, kaas oo mustaqbalkiisa uu mugdi ku jiro islamarkaana laga yaabo inuu isaga tago Barceloona suuqa xagaaga.

 

 

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version