Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa indhaha ku haysa xiddiga kooxda Bilbao ee Nico Williams, sida uu sheegay saxafiga Paco Gonzalez.
Weeraryahanka garabka uga ciyaara xulka Spain iyo kooxda Athletic Bilbao ee Nico Williams ayaa xilli ciyaareedkii hore ku jiray bandhig wacan, isagoo ka caawiyay kooxdiisa Bilbao, inay ku guuleystaan tartanka faca wayn ee Copa del Rey.
Williams ayaa ololahan ku soo afjaray sideed gool iyo 19 caawin 37 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Marka loo eego Xagaaga, 22-sano-jirkan ayaa wuxuu ka caawiyay xulkiisa La Roja inay qaadan tartanka Euro 2024, isagoo kamid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan ee xulkiisa u ciyaaraayay.
Kooxda Barcelona ayaa aad u doonaysay in ay la soo wareegto xiddiga xagaagan, laakiin waxa ay ku fashilantay in ay heshiis la gaadho.
Los Blancos ayaa hadda soo gashay tartanka loogu jiro xiddiga reer Spain iyo kooxda Athletic Bilbao si ay uga dulqaado Barcelona.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda heysata horyaalka Isbaanishka ayaa si wanaagsan ula socoto xalaadda ciyaaryahanka, garab weerarka uga ciyaara Bilbao ee Nico Williams,
iyadoo Vinicius Junior’ uu mar horeba ku shaqeynayay booska weerarka bidix.
Intaa waxaa dheer, Real Madrid ayaa sidoo kale kooxdeeda ku haysata Kylian Mbappe iyo Rodrygo Goes, sidaa darteed u dhaqaaqista Williams ayaa suurtagal noqon karta kaliya haddii ay iska iibiyaan mid ka mid ah xiddigahooda.
Los Blancos waxa ay isha ku haysaa xiddiga reer Spain waxayna diyaar u tahay in ay Barcelona kula dagaalanto adeegiisa sanadka 2025.