Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa sida muuqata ka qoomamaynaysa in ay Kylian Mbappe si xor ah ugula soo wareegtay xagaagan PSG kadib markii ay soo if baxeen warar sheegaya in loo haysto kiis kufsi oo lagu eedeeyay.

25-sano jirkan ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Los Blancos seddex sano kahor inta uusan kasoo tagin Paris Saint-Germain xagaagan, kagadaal markii kooxda reer France ay diiday labo dalab oo waa wayn ay ka gudbisay Real Madrid xagaagii 2021.

Mbappe ayaa ku guuldareystay inuu wacdaro xoogan uu ka dhigo ilaa iyo haatan garoonka Santiago Bernabeu, inkastoo uu haatan dhaliyay todobo gool iyo hal caawin 11 kulan oo uu u saftay kooxda uu hoggaamiyo Carlo Ancelotti, isagoo dhaliyay shanti kulan ee ugu danbeysay ee La Liga.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa laga saaray kooxdii Oktoobar ee France kadib markii uu ka soo kabsaday dhibaato dhaawac oo dhanka muruqa ah.

Mbappe ayaa ku dhawaaqay inuu yahay war been abuur ah warbixin booliska ay baarayaan taas oo la xariirta kufsi lagu soo oogay kaas oo ka dhacay hoteel ay kuwada sugnaayeen isaga iyo saaxibadiisa oo ku yaala Sweden.

Xididga reer France ayaa waxa uu booqasho ku joogeen Sweden isaga iyo asxaabtiisa Arbacadii ilaa jimcihii asbuucii hore, wuxuuna degay Hotel Bank oo ku yaala bartamaha magaalada.
Ciyaartoyga waxa uu booqasho ku

Warsidaha kasoo baxa Sweden ee Aftonbladet ayaa sheegay in booliska ay baarayaan kufsi ka dhacay Hotel ku yaala bartamaha magaalada Stockholm, waxaana la sheegay inuu dhacay haabeenkii khamiista.

Hasa ahaatee Mbappe ayaa wararka sheegaya kiiska la xiriirka kufsiga wuxuu gabi ahaanba ku tilmaamay warar been abuur ah.

Real Madrid ayaana ka shalaysay saxiixa xididga reer France ay kala soo wareegeen PSG isaga oo aan wax saameen ah ku yeelanin qalcadda Santiago Bernabeu.

Share.

Comments are closed.

Exit mobile version