Kooxda Real Madrid ayaa u safri doonto Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka waddanka Spain ee La Liga gaar ahaan kulmada 10-aad.
Real Madrid ayaa waxa ay isku dayi doontaa in ay sii wadato guulaha xiriirka ah kulanka ay ku wajahayso kooxda Celta Vigo gurigooda Estadio Municipal de Balaidos habeenka sabtida waxaana garsoori doono Alejandro Hernandez oo ah garsoore Spain.
Los Blancos ayaa hadda ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, iyadoo 21 dhibcood ka heshay sagaalkii kulan ee furitaanka tartankan, halka Celta Vigo ay ku jirto kaalinta 9aad, iyadoo aruursatay 13 dhibcood sagaal kulan oo ay ciyaartay.
Real Madrid, oo hadda ku jirta kaalinta labaad, ayaa raadineysa guul ay ka gaarto Celta, si ay cadaadiska ugu sii hayso hogaamiyaha horyaalka iyo kooxda ay xafiiltamaan ee FC Barcelona.
Iyadoo kulanka aadka loo wada sugayo ee Clásico uu ka harsan yahay hal todobaad, kooxda Carlo Ancelotti ayaana ka go,an inay guul ka gaarto Celta Vigo hadii ay hammigooda ku hayaan inay ku sii jiraan tartanka horyaalka.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
- Kooxda Real Madrid ayaanan laga badin 41-dii kulan ee ugu dambeeyay tartanka (LaLiga).
- Real Madrid waxa ay badisay 8 dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday Celta Vigo tartamada oo dhan.
- Los Blancos Real Madrid waxa ay dhalisay ugu yaraan 2 gool 15 ka mid ah 16kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday Celta Vigo tartamada oo dhan.
- Real Madrid ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Celta iyadoo aan wax gool ah laga dhalin, laakiin kooxda heysata horyaalka ayaa badisay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka xilli ciyaareedkan, iyadoo barbaro la gashay Mallorca, Las Palmas iyo Atletico.