Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa doonaysa inay qandaraaska u kordhiso xiddiga Mohamed Salah wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa ka dalban doonto Salah inuu saxiixo ugu yaraan 1/2 xilli ciyaareed inuu sii joogo qalcadda Anfield, si uu ugula guulaysto kooxdiisa koobab badan.

Mustaqbalka xiddiga heerka caalami dalka Masar ee Salah ayaa shaki la galiyay muddooyinkii ugu dambeeyay, kadib markii la sheegay inuu isaga hayaami doono qalcadda Anfield ay ku ciyaarto kooxda Reds,marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa haatan dalabyo qandaraas furis ah u dirtay dhammaan seddexda ciyaaryahan ee ugu waa weyn – Virgil Van Dijk, Trent Alexander-Arnold, iyo Salah.

Kooxda ayaa rabta inay sii haysato seddexda ciyaaryahan, laakiin waxay heshiis hordhac ah la saxiixan karaa seddexda ciyaartoy kooxo ajnabi ah laga bilaabo Janaayo 1.

Dhanka kale Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu saxiixo heshiis hal sano ah ku sii joogaayo qalcadda Anfield.

Salah ayaa kamid ahaa Liverpool tan iyo markii uu kaga soo biiray AS Roma 2017 kadib markii ay seegeen saxiixiisa seddex sano kahor.

32-sano jirkaan ayaa tan iyo markii uu kusoo biiray Reds u ahaa ciyaaryahan cajiib ah, isagoo u dhaliyay 226 gool, waxaana uu caawiyay 101 gool 370 kulan oo uu u saftay kooxda.

Qaab ciyaareedka Mohamed Salah ee sanadihii la soo dhaafay ayaa sabab u noqday in uu xiiso weyn ka helo Yurub iyo meelo kale laakiin waxa uu mar walba door biday in uu sii joogo Reds.

Marka loo eego xili ciyaareedkan Mohamed Salah  wuxuu dhaliyay 15 gool iyo 12 caawin, weeraryahanka ayaa sii ahaanaya ciyaaryahan muhiim u ah Reds, taas oo cadeyneysa inuu u qalmo inuu hishiiska u kordhiyo Reds si uu isii joogo sanadaha soo socda.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version